Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka qarxay Raaskambooni

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa ka socdo deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbbada Hoose, halkaas oo maalmahaanba ay xiisad ka jirtay.

Dagaalka ayaa la sheegaya in saakay uu ka qarxay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Raaskambooni, oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwii Jubbaland ee isa soo dhiibay ay fariisimo ku leeyihiin.

Isgaarsiinka deegaanka oo go'an awgeed ayaa waxaa aad u adag in wax laga ogaado, sida uu dagaalkan ku bilowday, inkastoo labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyay masuuliyadda dagaalka.

Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku eedeysay in ciidamo uu si khaldan u adeegsanayo ay soo weerareen fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka.

"Subaxnimadii hore ee saaka ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo uu si khaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidanka ATMIS, sidoo kalena isu diyaarinayay hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta. Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula  socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duulaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhex maraan maleeshiyaadka Khawaarijta ah. Ficilada qaran-dumiska ah waxa uu ku muteysan doonnaa ciqaab sharci oo adag."

Wasiir Kuxigeenka Amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji ayaa dhanka Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ciidamadii ay u soo daabushay Raaskambooni ay soo weerareen fariisimaha ay Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin duleedka deegaankaasi.

"Weerarkan oo ay ku bilaabeen drone ayaa ka dhacay duleedka magaalada, ka dibna dagaalku wuu ballaartay, welina wuu socdaa." Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Amniga Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay, isagoona wax nasiib darro ah ku tilmaamay in la iska horkeeno ciidamadii difaaca ku wada jiray.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay si adag uga hortimid doorashadii 25-kii bishii November ka dhacday Magaalada Kismaayo, dibna loogu soo doortay Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay ciidamo ku daabuleysay Raaskambooni ayaa waxaa mar sii horreysay dhalleeceeyay Axmed Madoobe, isagoona 29-kii November muddo 15 maalmood ah u qabtay in ciidamada ay halkaasi ku banneeyaan.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhankeeda duleedka Raaskambooni gaysay boqolaal askari oo doomo looga qaaday Dekedda Kismaayo, tani oo dhabaha u xaartay isku dhaca ciidan ee ka bilowday deegaankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii khudbad uu ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka ee Shuhadaa ku weeraray Axmed Madoobe, waxaana uu adkeeyay qorshaha dowladdiisa ee dalka lagu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay inaysan suurtagal ahayn in Axmed Madoobe dartiisa looga laabto hannaanka doorasho ee lagu heshiiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in uu diyaar u yahay inuu cid kasta la hadlo, balse aanay ka laaban doonin in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Jubbaland ayaa dhawaan Kismaayo ka qabatay doorasho dadban, oo lagu soo doortay 75-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland iyo Hoggaanka Madaxtooyada, ka dib toddobaadyo ay ku adkeysaneysay xaqa ay u leedahay inay qabato doorasho ay u madaxbannaan tahay.

Dagaalkan ayaa calaamad u ah inay guuldareysteen dadaaladii lagu doonayay in xiisadda labada dhinac lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul.