Dagaalka Israel iyo Lubnaan oo galay bishii labaad iyo dhimashada rayidka oo korortay

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa galay bishii labaad, iyadoo ay labada dhinac ku dagaalamayaan deegaanada xuduudda ee labada dal.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa sidoo kale duqaymo culus ka gaysanaya qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah, waxayna tani Israel ay ku sheegtay tallaabo ay ku burburineyso kaabeyaasha militari iyo dhaqaalaha ee Xisbullah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Jimcihii si xun u garaacay xaafadda Dahieh ee koonfurta Magaalada Beirut iyo magaalada kale ee bariga dalkaasi ku taala ee Baalbek.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 52 qof ay ku dhinteen, 72 kalena ay ku dhaawacmeen weeraro xagga cirka ah oo diyaaradaha dagaalka Israel ay ka fuliyeen Magaalada Baalbek.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Israel ay garaacday goobo ka badbaaday colaadda oo ku yaala Baalbek, muddada uu dagaalkan socdo.

Militariga Israel ayaa Arbacadii dadka degan Magaalada Baalbek ku amray in ay ka wada baxaan magaaladaasi, waana markii ugu horreysay oo dadka degan magaalo dhan lagu amro inay ka guuraan.

Wasaaradda Caafimaadka Lubaan ayaa xaqiijisay in duqaymaha Israel ka waddo dalkaasi ay illaa iyo hadda ku dhinteen 2,900 oo qof, halka 13,150 kalena ay dhaawacmeen. Wasaaradda ayaa warisay in afar meelood oo meel dadka la dilay ay yihiin haween iyo carruur.

Duqaymahan ayaa barbar socda dagaal culus oo Ciidamada Israel iyo Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa Jimcihii shaki geliyay dadaalada uu Mareykanku garwadeenka ka yahay ee lagu doonayo in heshiis xabad joojin ah lagaga gaaro colaadda labada dal.

Toddobaadkan ayaa waxaa si weyn u soo baxay warar sheegaya suurtagalnimada in Israel iyo Xisbullah ay heshiis ka gaari karaan dagaalka sii xoogeysanaya.

Raysal Wasaaraha Lubnaan ayaa Israel ku eedeeyay inaysan dooneyn xabad joojin, ka dib duqaymaheeda joogtada ah ee dalkaasi iyo weerarka ay ku ballaarisay magaalada bariga Lubnaan ku taala ee Baalbek.

Raysal Wasaare Mikati ayaa sheegay in ficilada Israel ay ka tarjumayaan inay diidan tahay xabad joojinta la soo jeediyay, sidaasi daraadeeedna ay sii waddo buu yiri rabshado iyo burbur.

"kor u kaca ay dhawaan sameysay Israel waxay calaamad cad u tahay diidmada dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro xabad joojin iyo in si buuxda loo fuliyo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 1701." Ayuu yiri Mikati.

Mikati ayaa hadalkan jeediyay, ka dib markii uu Caasimadda Beirut ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan ee Hawlgalka UNIFIL, General Aroldo Lázaro.