Dagaalo culus oo ka dhacay goobo kala duwan oo Gaza ah

Dagaalo culus ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka dhacay koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo Ciidamada Israel ay isku dayayaan in ay hujuumaan barro ay ku sugan yihiin Xoogaga Ururka Xamaas.

Dagaalka xooggiisa ayaa la soo sheegaya in uu ka dhacay deegaanka Jabalia ee jiidda waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo maanta laba taangi looga gubay Ciidamada Israel.

Ciidamada Israel oo wata taangiyadooda dagaalka ayaa ku guuldareystay in ay gaaraan goobo ay duqeeyeen diyaaradahooda dagaalka, aagaggaas oo ay rumeysan yihiin in ay ku sugan yihiin Xoogaga Xamaas.

Dagaalkan ayaa dib uga qarxay Jabalia, ka dib markii Ciidamada Israel ay Sabtidii bilaabeen in ay dib ugu laabtaan deegaankaasi, iyagoo dadkii deganaana ku amray in ay banneeyaan.

Dadka rayidka ah ee ka barakacaya Jabalia ayaa sheegay in ay arkayeen Ciidamada Israel oo ku sii siqaya xerada qaxootiga ugu weyn ee halkaasi ku taala.

Dhanka bartamaha, dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Al-Zeitoun, waxaana uu dagaalku daba socdaa duqaymo xiriir ah oo diyaaradaha Israel ay halkaasi ka wadaan.

Sidoo kale deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ayaa u muuqdo mid isu bedelay goob dagaal, ka dib markii Ciidamada Israel ay toddobaadkii hore la wareegeen gacan ku haynta bariga deegaankaasi.

Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa isku dayaya in ay isku fidiyaan bariga Rafah, inkastoo ay iska caabin xoogan kala kulmayaan Xoogaga Xamaas.

Xoogaga Xamaas ayaa la arkayay, iyagoo maanta gantaalka garabka laga tuuro ee Al-Yassin 105 ku dhufanaya gaari nooca ciidamada lagu daabulo, oo ay wateen Militariga Israel.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam ayaa sheegay in tan iyo shalay ay burburiyeen gaadiid badan oo Militariga Israel ay leeyihiin, ayna ku jiraan taangiyadooda dagaalka.

Al Qassam ayaa sheegtay in ay la dagaalamayaan Ciidamada Israel ee qorshahoodu yahay in ay isku fidiyaan goobaha ay duqaymaha xoogan diyaaradahooda ka gaysanayaan.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa qirtay in dagaalkii shalay ay kaga dhaawacmeen 50 askari, mana sheegin wax dhimasho ah. Sidoo kale dagaalkii maanta ayay sheegeen in ay kaga dhaawacmeen 14 askari.

Israel oo horaantii bishan ku gacan seyrtay Xamaas heshiiskii xabad joojinta ee ay aqbashay ayaa u muuqato mid u seenta dheereynaysa dagaalka.

Israel oo toddobo bilood Xamaas kula dagaalameysay Marinka Gaza ayaan illaa iyo hadda xaqiijin saddexdii hadaf ee ay ugu duushay dhulka go'doonsan, ee kala ahaa burburinta Ururka Xamaas, dib u soo celinta Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii iyo xaqiijinta inaanay Gaza khatar ku ahayn amniga Israel.