Dhibaato kale oo ku soo korortay shacabka ku nool Marinka Gaza

Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ayaa haatan wajahaya dhibaatada qaboobaha ee jiilaallkii labaad, iyadoo weli uu dagaalku soconayo.

Dagaalka oo dad fara-badan ay ku dhimanayaan, silic iyo rafaadna ay shacabka la nool yihiin ayaa waxaa xaaladooda uga sii daraya cimilada qabow iyo roobabka ka da'aya dhulka go'doonsan.

Qoysaska barakacayaasha ee ku nool guryaha teendhooyinka iyo cooshadaha ka sameysan ayaa ah kuwa ay sida tooska ah u saameynayso xaaladdan soo korortay.

Roobabka ayaa burburinaya guryaha qaarkood ee ay dadku ku-meel-gaarayaan, iyadoona daadadka ay ku soo rogmanayaan qoysaska deegaanka ka sameystay dhulka xeebta ah ee Gaza. Meelaha qaarkood ayaadna arkaysaa in roobabku ay biyo dhigeen waddooyinka.

Iyadoo markii horeba ay dadku ka qaylo dhaaminayeen raashiin yarida, inaysan haysan biyo nadiif ah iyo sahay dawo oo ku filan ayaa walaac xoog leh ka muujinaya cimilada qabow iyo roobabka isbiirsaday, maadaama aysan haysan agab ku filan oo ay dugaashadaan.

Suuqyadii ganacsiga ee Marinka Gaza ayaa intooda badan horey ugu xirmay weerarada xagga cirka ee Israel, hawlgalka ay ciidamadeeda ka wadaan gudaha Gaza iyo go'doominta daran ee lagu hayo.

Dagaalkan ayaa caqabad ku noqday gaadiidkii ganacsiga ee tagi jiray Gaza, taasoo keentay in suuqyada laga wayo bustayaasha dhaxanka iyo dharka kale ee dhaxanta laga xirto.

Dadku waxay ka cabanayaan inaysan haysan dhar iyo bustayaal ku filan, taasna ay khatar sii gelinayso noloshooda.

Sidoo kale hay'adaha caalamiga ah ayaa waxaa aad u yar agabyada muhiimka ah ee ay gaarsiin karaan qoysaska barakacayaasha, sababtu tahay xanibaadda ay Israel ku hayso wax kasta oo la gaynayo dhulkaasi.

Inkastoo inta badan ay shacabku guryahooda uga carareen weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel, haddana waxaa la qiyaasaya in cimilada sii xumaaneysa ay dad fara-badan ku riixi doonto inay mar kale barakacaan, si ay u raadsadaan goobo gabaad ah, iyadoo aysan jirin deegaan qura oo maanta ay dadka rayidka ah ku badbaadi karaan.

Israel iyo Ururka Xisbullah ee Lubnaan oo habeen hore ku heshiiyay xabad joojin ayuu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dagaalka Gaza, inta laga wiiqayo awoodda Ururka Xamaas ee Falastiin, lagana soo celinayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Israel ayaa ku goodiyay in ay dardargelin doonaan dagaalkan, balse ma sheegin wax ka bedel ay ku sameynayaan dagaalkoodan, haddii dhibaatada ugu badan ay ka soo gaareyso shacabka aan waxba galabsan.

Qabowga jiilaalka ee Gaza ayaa sii socon doono billaha ina soo aaddan, iyadoo billaha December, January, February iyo March ay yihiin kuwa ugu qabow ee dhulkaas, marka loo eego cimilada Gaza.