Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan oo wada hadalo ku leh dalka Sacuudiga

Ka dib cadaadis xoog leh oo kaga yimid Beesha Caalamka, labada janaraal ee ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa ergooyin metelaya u diray Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan ayaa goor dambe oo Sabtidii ah xaqiijiyay in wufuudda labada dhinac ay soo gaareen Magaalada Jeddah.

Wasiirka ayaa sheegay in uu rajeynayo in wada hadaladu ay horseedaan in la soo afjaro colaadda, lana soo celiyo amniga iyo xasilloonida buu yiri Jamhuuriyadda Suudaan.

Dhinacyada ayaa Jeddah ku leh wada hadaladii ugu horreyay oo fool ka fool ah, tan iyo markii dagaalku uu 15-kii bishii April ka qarxay dalkaasi.

Dalalka Sacuudiga iyo Mareykanka oo ka mid ah dhexdhexaadiyayaasha ayaa labada dhinac ku booriyay in ay joojiyaan colaadda ay boqolaalka qof ku dhinteen, boqolaalka kun oo kalena ay ku barakaceen.

"Waxaan bogaadinaynaa wada hadalada horudhaca ah ee Sabtidii ka dhacay magaalo xeebeedka Jeddah ee u dhaxeeya Militariga Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga (RSF), waxaana ku boorinaynaa in ay si firfircoon u gaaraan xabad joojin waarta." Ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Mareykanka iyo Sacuudiga.

Dhowr jeer oo ay xabad joojin ku heshiiyeen ayay dhinacyadu jebiyeen, taa oo aan waxba ka bedelin dagaalka sida weyn u saameeyay dalkaasi, ee u dhaxeeya Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo.

Hindisaha Mareykanka iyo Sacuudiga ee Jeddah ayaa noqonaya isku daygii ugu horreyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka halista geliyay xilliga kala guurka ee Suudaan, militariguna uu xukunka ugu wareejin lahaa dowlad rayid ah, ka dib dhowr sano oo ay dalkaasi hareeyeen rabshado iyo kacdoon dadweyne.

General al-Burhan ayaa madax ka ah gole maamula dalkaasi oo la yegleelay, ka dib afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay 25-kii bishii October ee sanadkii 2021, halka General Dagalo uu ahaa kuxigeenkiisa. Dagaalkoodan ayaana qarxay, markii lagu guuldareystay qorshe qabyo ahaa oo Xoogaga RSF loogu biirin lahaa Militariga Suudaan.

Xoogaga Xoriyadda & Isbedelka Suudaan, oo ah koox siyaasadeed oo hoggaamineysa qorshe caalami ah oo xukunka loogu wareejinayo rayidka ayaa soo dhaweeyay wada hadalada.

Dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyadda ayaa sheegay in wada hadaladu ay bilow u noqon doonaan in dalka laga badbaadiyo dagaal sokeeye iyo burbur.

Ugu yaraan 550 qof ayaa dagaalka ku dhintay, halka in ka badan 4,900 oo kalena ay ku dhaawacmeen.