Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo mar kale iclaamiyay xabad joojin

Labada garab ee ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa shaaciyay xabad joojin muddo 72 saacadood ah, oo ka bilaabaneysa saqdii dhexe ee xalay, xilli ay ka sii dareyso xaaladda bani'aadanimo ee dalkaasi.

Bayaan ka soo baxay Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa lagu shaaciyay xabad joojin saddex cisho ah, si lagaga jawaabo xaaladda bani'aadanimo ee dalka.

Taliska Militariga Suudaan ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan ayaa iyana ku dhawaaqay in ay RSF ku waafaqeen xabad joojintaasi.

Tani waa xabad joojintii ugu dambeysay ee ay ku dhawaaqaan labada dhinac, ka dib marar badan oo ay jebiyeen xabad joojintii ay horey ugu heshiiyeen.

Shacabka ku dhaqan Caasimadda Khartoum ayaa isku dayaya in ay ka baxsadaan magaalada, inta ay jirto xabad joojinta aan cagaha badan ku taagnayn.

Dadka reer Khartoum ayaa la soo sheegaya in aanay ka baxsanayn dagaalka iyo duqaymaha ku socda oo keliya, balse ay sidoo kale ka baxsanayaan falalka dhaca ee dadka loogu gaysanayo waddooyinka iyo bililiqada ay dhinacyada hubeysani ka gaysanayaan guryahooda. Dhinacyada dagaalamaya ayaa inta badan falalkaasi ku kaca, inta ay dagaaladu socdaan.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay, waxaa dagaalka ku dhintay 528 qof, halka 4,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Suudaan.