Dib u dhac ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmi lahaa Muqdisho

Shirkan oo ay lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dib loogu dhigay arrimo farsamo awgood, sida uu sheegay Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre.

Qoraal xalay ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shirkan oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay inuu dib u dhac ku yimid. 

Qoraalka laguma sheegin goorta uu shirku furmi doono, marka laga soo taggo in muddo kooban dib loo dhigay.

"Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagu la jiro Khawaarijta, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii Talaadada shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada, kaas oo la muddeeyay in Muqdisho uu ka qabsoomi doono, inta u dhaxeyso 20-ka illaa 21-ka bishan April.

Madaxweynaha ayaa martiqaad u diray Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ma cadda waxyaabaha keenay dib u dhaca shirka, balse Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay ka qaybgalka shirkaasi.

Madaxweyne Deni oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka ayaan ka qaybgelin saddexdii shir ee ugu dambeysay.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah shir ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waana shir inta badan looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.