Diyaarad gantaal ku dhufatay gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al Shabaab

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay gantaal ku burburiyay gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu ka dhacay meel ku dhow xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Cali Heele oo hoostagga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu burburiyay gaarigaasi, oo sida warka lagu sheegay ay la socdeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab.

Warka laguma sheegin magacyada saraakiishaasi iyo darajooyinkooda amaba xilalkii ay ka hayeen Al Shabaab.

"Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay hawlgalada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, waxaana la qaarajiyay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal badan." Ayaa lagu yiri warka.

Duqayntan ayaa imaanaysa, xilli gelinkii dambe ee Sabtidii ay duqayn kale ka dhacday deegaanka Buq Aqable ee galbeedka Gobolka Hiiraan.

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in duqayntaasi lagu burburiyay xarunta kaydka gaadiidka iyo hubka ee Al Shabaab, isla-markaana uu jiro khasaare badan oo lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Buq Aqable ayaa ka mid ah deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabelle, isla-markaana ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Shabaabka.