Donald Trump oo doorashada kaga horreya Kamala Harris

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa ku sii dhawanaya in uu ku guuleysto doorashada dalka Mareykanka, inkastoo ay wax kasta is bedeli karaan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa haysta 267 ka mid ah codadka ergada ee gobolada, isagoona keliya u baahan in uu helo saddex cod ergo oo keliya.

Musharax kasta ayaa u baahan in uu helo 270 ka mid ah 538-ka cod ergo ee metelaya dhammaan gobolada dalka, si uu ugu guuleysto doorashada.

Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ahna Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris ayaa haysata 224 codadka ergada, taas oo ka macno ah in si weyn looga horreyo tartanka doorashadan.

Donald Trump oo goor dhow taageereyaashiisa kula hadlay Magaalada Palm Beach ee Gobolka Florida ayaa sheegay in isku daygii dil ee dhawaan uu ka badbaaday uu Alle ka watay in mar kale uu hoggaamiyo dalka Mareykanka.

"Sababtaasina waxay ahayd in la badbaadiyo waddankeenna oo aan Mareykanka ku soo celino haybaddii uu lahaa." Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa sheegtay in uu ku guuleystay doorashadan, walow aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada kama dambeysta ah.

"Howsha ina hortaala ma noqon doonto mid fudud, laakiin waxaan keeni doonnaa tamar, ruux iyo in aan dantayda ka hormariyo shaqada aad igu aaminteen." Ayuu yiri Trump.

Natiijada codadka dadweynaha ee la dhiibtay ayuu illaa iyo hadda uu Trump ku hoggaaminayaa 69,372,553 cod, halka Kamala Harris ay iyaduna haysato 64,034,165 cod.

Taageereyaasha Trump ayaa bilaabay in ay u dabaal deggaan, sida inuu doorashada ku guuleystay oo kale.

Trump oo doorashadii sanadkii 2016 ku guuleystay ayaa noqday Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka, haddii uu tanina ku guuleysto waxaa loo dhaarin doonnaa Madaxweynihii 47aad.