Doorashada Turkiga oo si habsami leh uga socota dalkaasi
Doorashada guud ee dalka Turkiga ayaa 8:00 subaxnimo ee saakay ka bilaabatay dalkaasi, iyadoona weli ay si habsami leh uga socoto 191,885 goobood, oo loogu talagalay in dadku ay codkoodu ka dhiibtaan.
Dadweynaha Turkiga ayaa dooranaya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, 5-ta sano ee soo aaddan.
In ka badan 64 milyan oo qof ayaa haysta kaararka codbixinta, kuwaa oo go'aaminaya cidda hoggaamin doonta siyaasadda dalkaasi, 5-ta sano ee soo socota.
Codbixiye kasta waxa uu dhiibanayaa laba cod oo kala ah Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo labaatankii sano ee la soo dhaafay ka arriminayay dalkaasi ayaa loolan adag kala kulmaya musharaxa ugu tunka weyn mucaaradka waa Kemal Kilicdaroglu.
Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu codkiisa ka dhiibto Magaalada Istanbul. Xisbiga Erdogan ee AK Parti ayaa diiradda saaraya magaaladaasi, oo ay u arkaan midda ugu muhiimsan doorashada dalka oo dhan. Istanbul waxaa ka codeynaya in ka badan 11 milyan oo qof, iyadoona laga soo dooranayo 89 kursi oo Baarlamaanka ah, waana magaaladii horseeday in Erdogan uu Madaxweyne ka noqdo dalkaasi.
Kemal Kilicdaroglu ayaa isna la filayaa in uu codkiisa ka dhiibto magaalada caasimadda ah ee Ankara.
Goobaha codbixinta ayuu qorshuhu yahay in ay soo xirmaan 5-ta galabnimo ee maanta, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Turkiga.
Musharax kasta ayaa u baahan kala bar (50%) codadkii la dhiibtay, si uu u guuleysto, haddii aanu musharaxna ku guuleysan tirada codadkii loo baahnaa, labada musharax ee ugu codka badan ayaa u gudbi doona wareeg labaad oo doorasho, oo la qaban doono laba toddobaad ka dib.