Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis mug weyn

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Isniintii gaaray dalka Ciraaq, iyadoona ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo aad u ballaaran.

Madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Baghdad ku soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia’ Al Sudani, waxaana loo ganay 21 madfac oo lagu maamuusayo imaanshiyihiisa dalka.

Labada hoggaamiye oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, biyaha, beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira dhinacyada amniga, tamarta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidoo kale heshiis 10 sano ah oo ku saabsan maareynta khayraadka biyaha, si Baghdad ay u hesho saamigeeda saxda ah.

Wadaagga khayraadka biyaha ayaa ahaa qodob ay si weyn isugu hayeen labada dhinac, ka dib markii Turkigu uu biyo xireen ku sameeyay Webiyada Euphrates iyo Tigris oo biyahooda ay wadaagaan. Biyo xireenkan ayaa sii xumeeyay xaaladda biyo yaraanta Ciraaq. 

Madaxweyne Erdogan iyo Raysal Wasaaraha Ciraaq oo si wadajir ah shir jaraa'id u qabtay ayuu Madaxweynuhu sheegay in sidoo kale ay ka wada hadleen tallaabooyinka ay labada dal qaadi karaan ee ka dhanka ah Jabhadda Kurdiyiinta Turkga ee PKK oo dagaal kula jirta dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay in Dowladda Ciraaq ay jabhaddu u aqoonsato koox argagixiso, oo dalkana ka mamnuuc ah, isagoo intaasi ku daray in Turkigu uu soo afjari doono joogitaanka PKK ee dhulka Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagixisada uu yahay mid ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee uu dalkaasi u yimid, waana xilli Turkigu uu tan iyo sanadkii 2019 uu waqooyiga Ciraaq ka waday guluf ballaaran oo PKK lagaga fogeynayo xadka uu la wadaago dalkaasi.

Xoogaga PKK ayaa muddo tobanaan sano ah dagaal kula jira Dowladda Turkiga, waxayna si firfircoon uga hawlgalaan qaybo ka mid ah waqooyiga Ciraaq. Turkiga iyo xulafadiisa reer galbeedka ayaa PKK ku daray liiska argagixisada.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale shirka jaraa'id ka sheegay in Ankara ay diiradda saari doonto xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dhinac iyo iskaashiga xagga tamarta, caafimaadka iyo dalxiiska ee dalka Ciraaq.

"Waxaan aaminsanahay in booqashadayda iyo heshiisyada aan saxiixay ay noqon doonaan is bedel cusub oo ku yimaada xiriirka Turkiga iyo Ciraaq." Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Raysal Wasaare Al Sudani ayaa dhankiisa sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in ay wax ka qabtaan caqabadaha ay kooxaha argagixisada ku yihiin ammaankooda, maadaama amnigu uu yahay furaha koowaad ee nolosha.

Intii lagu guda jiray booqashada Erdogan ee Baghdad, Madaxweynaha Turkiga iyo Raysal Wasaaraha Ciraaq ayaa goobjoog ka noqday saxiixa heshiis is afgarad ah, oo labadaasi dowladodo ay isaga kaashanayaan mashruuca horumarinta waddooyinka, kaas oo si horudhac ah loogu sii qorsheeyay toddobo iyo toban bilyan oo dollar ($17B).

"Waxaan kala saxiixanay illaa 24 heshiis, booqashada halka maalin ee uu noogu yimid Madaxweyne Erdogan." Ayuu yiri Raysal Wasaare Al Sudani. 

Dhanka kale Madaxweyne Erdogan ayaa Caasimadda Baghdad kula kulmay dhiggiisa Ciraaq Abdul Latif Rashid, waxa uuna u sheegay in Turkigu uu ka filayo Ciraaq inay la dagaalamaan PKK iyo in Ciraaq laga wada sifeeyo dhammaanba kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Rashid ayaa dhiggiisa Turkiga u sheegay in Baghdad ay taageereyso hawlgalo wadajir ah oo lagu la dagaalamayo argagixisada, isla-markaana ay ka soo horjeedaan in dhulkooda loo adeegsado goob lagaga duulo dalalka deriska.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa Baghdad uga sii gudbay Magaalada Erbil ee Xarunta Gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalkaasi Ciraaq.

Madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Kurdistan, Nechirvan Barzani, waxayna ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga iyo ammaanka.

Madaxweynaha Kurdistan ayaa sheegay in Madaxweynaha Erdogan ay si dhow uga wada hadleen nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaalaha.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Erdogan uu ugu safro dalkaasi Ciraaq, muddo saddex iyo toban sano ah.

Erdogan ayaa bishii March ee sanadkii 2011 booqday Magaalada Erbil, markaas oo uu ahaa Raysal Wasaaraha Turkiga.

Booqashadiisan ayaa ku soo aadaysa, xilli ay cirka isku shareertay xaaladda Bariga Dhexe, oo xiisadda ka taagana ay xudun u tahay duulaanka Israel ee Gaza iyo isku dhaca Iran iyo Israel.