Duqayn ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa weerar dhinaca cirka ka gaystay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalkan ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamiga, laguna bartilmaameedsaday Xarunta Ururka Al Shabaab ee Jilib.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegtay in weerarkan lala beegsaday goobo gaar ah, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka soo gaaray Al Shabaab.

"Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabaab. Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa gaystay Khasaare xoogan, oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay." Ayay ku warantay SONNA.

Duqayntan ayaa la rumeysan yahay in ay gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, iyadoona Mareykanku uu horey degmadaasi uga gaystay tiro duqaymo ah.

Shabaabka ayaan ka hadlin duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Degmada Jilib, oo muddo dheer ay ka arriminayeen.

Shabaabka oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka ayaan aalaaba ka hadlin weerarada ceynkani oo kale ah, marka ciidamada is garabsanaya ay ka gaystaan dhulka ay maamulaan.