Go'doominta iyo weerarada Israel ee Gaza oo cawaaqib ba'an ku yeeshay dadka rayidka ah
Xanibaadda ay Israel ku hayso gargaarka bani'aadantinimo ee Marinka Gaza ayaa sare u sii qaadday masiibada bani'aadantinimo ee in muddo ahba ka jirtay dhulka ay colaaduhu aafeeyeen.
Goobaha caafimaadka ee Gaza ayaa waxaa buux-dhaafiyay shacabka aadka u faraha badan ee ku dhaawacmaya duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Israel ka gaysaneyso qaybaha Gaza oo dhan iyo dadka ay xanuunada soo ridanayaan.
Cuntada aadka gabaabsiga u ah iyo biyaha nadiifta ah oo aan Gaza laga heli karin ayaa keentay inay soo bataan cudurada soo ridanaya dadka deegaanka, oo ay ugu horreyan calool xanuunka iyo carruurta la ildaran nafaqo darrada.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in maalintii 400 oo qof oo isugu jira dad dhaawac qaba iyo kuwo kaloo bukaan socod ah la keeno goobaha caafimaadka, iyadoo welibana aysan ka jirin wax sahay dawo ah, tiiyoo ay u dheer tahay weerarka ay Israel ku hayso.
Israel ayaa si aan horey dunida loogu arkin u beegsaneysa isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee Marinka Gaza.
Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka ayaa la halgamaya, sidii ay naf badbaadin u samayn lahaayeen, walow aysan xitaa gacanta ku hayn dawooyinka kaalmaatiga ah ee lagama maarmaanka ah.
Dadka ay xaaladdoodu adag tahay ayaa waxaan jirin meel ka baxsan Gaza oo la gayn karo, maadaama Israel ay xirtay xuduudaha Marinka Gaza.
Dhakhaatiirka ka hawlgala Gaza ayaa digniin adag ka soo saaray in ay si dhakhsa ah u faafi karaan caabuqa xanuunada faafa, haddii aan la ogolaan in wax laga qabto dhibaatada bani'aadantinimo ee ka taagan guud ahaanba Gaza.
Daryeelka xadidan ee ay bixinayaan goobaha caafimaadka ayaan ku filneyn daboolidda baahida weyn ee caafimaad ee halkaasi ka jirta.
52 cisho ma jirto wax dawo, shidaal, raashiin iyo biyo nadiif ah oo la geeyay Gaza, sababtu tahay Israel oo horaantii bishii March soo rogtay go'doomin dhinac kastaba leh, mana jirto cid geli karta amaba ka bixi karta dhulka la go'doomiyay, tanina waxay abuurtay walaac caalami ah.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Talaadadan ku celisay in hannaanka caafimaadka ee Gaza uu qarka u saaran yahay burbur.
Warka Hay'adda WHO ayaa xoojinaya digniintii ay dhawaan ku sheegtay in xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ay mareyso meeshii ugu darneyd, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 18 bilood ka hor.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Arbacadii sheegay in Tel Aviv aanu qorshaha ugu jirin inay fasaxdo gargaarka, si ay ugu cadaadiyaan Ururka Xamaas ee Falastiin.
Wasiir Katz ayaa iska indha tiray qaylo dhaanta ay hay'adaha caalamiga ahi ka muujinayaan cawaaqibka ba’an ee xanibaaddan ku yeelaneyso dadka rayidka ah.
Dadka rayidka ah ayaa halgan ugu jira sidii ay u noolaan lahaayeen, taasi cagsigeeda Israel waxay sii waddaa weerarada iyo tallaabooyinka kale ee ay xaaladdooda uga sii dareyso.
Israel ayaa Gaza u bedeleysa xabaal wareed, iyadoo ku andacooneysa in ay dagaal kula jirto Xamaas, waana dagaalka Israel oo dhibaneyaasha ugu badan ay yihiin shacabka aan hubeysneyn.
Israel ayaa si adag u diidan in dagaalkeedan uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, maadaama si joogta ah loogu eedeynayo in aysan ilaalineyn nolosha shacabka aan waxba galabsan.