Golaha Wadatashiga Qaran oo warmurtiyeed ka soo saaray shirkii uga socday Muqdisho

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa warmurtiyeed ka soo saaray shirkii tan iyo 14-kii bishan uga socday Magaalada Muqdisho, uuna shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir (oo Puntland ay ka maqan tahay) ayaa laga soo saaray illaa afar qodob.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Qodobada warmurtiyeedka:-

1. Hordhac

Shirka 9aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho 14-17 May 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Raysal Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). 

GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faah faahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale. 

2. Warbixinno

GWQ wuxuu warbixin balaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaadhka ah SSC­ Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha oo golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

GWQ wuxuu Xafiiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaadhay cunaqabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka, sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxuu goloha uga waramay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha qaranku waajahayo, iyo qorshaha dowlada ay dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

GWQ wuxuu Taliska Ciidanka Xooga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta

GWQ wuxuu warbixin ku saabsan barnaamijka xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada ka dhageystay Xukuumadda.

3. Bogaadin

GWQ waxaa uu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen ciribtirka kooxaha argagixisada ee khawaarijta.

GWQ wuxuu Xukuumadda Federaalka ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadhay arimaha dayn cafinta, dhaqaalaha, ka mid noqoshada Urur-goboleedka Bariga Afrika iyo siyaasada arimaha dibada.

Goluhu wuxuu bogaadiyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee afarta cutub ee Dastuurka KMG.

GWQ wuxuu sidoo kale dawalada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto ka mid noqoshada Goloha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

4. Go'aamada shirka ka soo baxay

GWQ wuxuu si qoto-dheer u fallanqeeyay xaaladda aminga, siyaasadda iyo xaaladda bani'aadanimo ee dalku marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii shirarkoodii hore, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda: 

4.1. Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada 

GWQ wuxuu mar kale isku raacay in aminigu uu udub-dhexaad u yahay qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Golohu wuxuu ku heshiiyay in si wadajir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita, isla-markaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

Golohu wuxuu taageeray dadaalada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka sida iyo tallaabooyinka ay kula wareegayaan masuuliyadda amniga dalka, ka dib bixitaanka ciidanka ATMIS.

4.2. Dhameystirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimoqraadiyeynta 

Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo dhaqangelinta heshiisyadii horey loo galay.

Goluhu wuxuu ku dhiirigeliyay Baarlamaanka Federaalka Somaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka, iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

GWQ wuxuu Xukuumadda Federaalka iyo hay'adaha sharci dajinta ku dhiirigelinayaa dardargelinta sharciyada, xeerarka iyo hay'adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka, si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

4.3. Arrimaha bani'aadamnimada 

GWQ wuxuu qiimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xoogan ee ka da'ay qaybo ka mid ah dalka.

GWQ wuxuu hay'adaha gargaarka ee heerarka dowladda farayaa dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isu gurmadaan.

GWQ wuxuu hay'adaha caalamiga ah ugu baaqayaa iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay fatahaadaha xad dhaafka ee saameeyay qayb ka mida dalka.

Sidoo kale GWQ wuxuu xukuumadda iyo hay'adaha caalamiga ah ku dhiirigelinayaa inay si wadajira uga shaqeeyaan ka hortagga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

--Dhammaad--