Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka lagu hayo bajaajleyda

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada, oo daarnaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadayaasha mooto bajaajta iyo sida wax looga qaban karo.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Heerka Wasiir ee ka talabixinta, sidii looga hortaggi lahaa dilalka bajaajleyda, ka dib go'aamadii 2-dii bishan ka soo baxay golaha.

Guddigan oo ka kooban Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Caddaaladda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa golaha la wadaagay daraasad, baaritaano iyo xog-wareysi ay la yeesheen wadayaasha gaadiidka bajaajta, waxayna soo bandhigeen tallooyin ka kooban 18 qodob, oo xal u noqon kara dhibaatooyinkaasi soo laalaabtay.

Baaritaanka ayaa waxaa ku cad in guddigu ay baareen wixii dhib ah ee dhacay, si ay caddaaladda u wajahaan eedeysaneyaasha.

Ka dib shirkii hore ee Golaha Wasiirada, laamaha amniga ayaa wax ka bedelay hannaanka shaqada ee ciidamada ka hawlgala barraha lagu hubiyo amniga Caasimadda Muqdisho, tani oo aad mooddo in ay hoos u dhigtay dhibaatooyinkii lagu hayay darawalada kaxeysa mooto bajaajta.

Raysal Wasaare Barre oo 3-dii bishan boqolaal qof kula hadlayay Masaajidka Isbahaysiga ayaa sheegay in dowladdu ay sharciga horgayn doonto cid kasta, oo ku lug yeelata dhacdooyinkaasi.

Raysal Wasaaraha ayaa xilligaasi sheegay in ciqaab adag ay mari doonaan askarta lagu helo falalkaasi.

Xukuumadda ayaa xil iska saartay wax ka qabashada dhibaatooyinka loo gaysanayo wadayaasha mooto bajaajta, ka dib markii ay kordheen dilalka loogu gaysto magaalada.