Guddiga Dib U Eegista Dastuurka oo la horgeeyay Golaha Shacabka

Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta Guddiga Madaxabannaan ee Dib U Eegista & Hirgelinta Dastuurka KMG horgeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan.

Guddigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa 2-dii bishan ansixiyay Golaha Wasiirada, ka dib markii uu soo gudbiyay Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa ayaa sheegay in xubnahan ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, isla-markaana ay muhiim u yihiin sida uu yiri shaqadaasi dastuuriga ah.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay cod u qaadaan, haddii ay ansixinayaan xubnahaasi iyo haddii kaleba.

143 Xildhibaan ayaa ugu dambayn qaab gacantaag ah ku meelmariyay Guddiga Madaxabannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Qabyo Qoraalka, mana jirin cid diiday amaba ka aamustay.

Xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa kala ah:-

Maxamed Xasan Idiris

Axmed Maxamuud Jaamac

Maxamed Cabdalla Saalax

Farxiya Muumin Cali

Burhaan Aadan Cumar.