Guddiga Doorashooyinka Puntland oo hakiyay doorashada degmooyinka qaarkood

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashooyinka saddex degmo, oo la filayay inay ka dhacaan Khamiista berrito ah.

Guddiga ayaa xaalado jira awgood u hakiyay doorashadii berrito ka qabsoomi laheyd Degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.

"Doorashooyinka Golaha Deegaanka waxay maalinta berri ah 25/5/2023 ka dhaceysaa dhammaan degmooyinka kale ee horey loo qorsheeyay, kuwaas oo gaaraya 30 degmo." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay in goobaha codbixinta ay furmi doonaan 6-da subaxnimo ee berrito, dadweynuhuna ay tahay inay codkoodu dhiibtaan.

Gudoomiyaha oo caawa shir jaraa'id ku qabtay Xarunta La socodka Doorashooyinka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay dulqaad badan muujiyaan, inta ay codeynta socoto.