Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday qalcadda taariikhiga ee Salahuddin al-Ayub

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday qalcadda taariikhiga ee Salahuddin al-Ayub, xilli ay Salaadda Jimcaha ku tukadeen Masjidka Muhammad Ali ee Magaalada Qaahira.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in wafdiga Gudoomiyuhu ay warbixin ka dhageysteen Imaamka Masjidkaasi.

"Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa warbxin ka dhageystay Imaamka Masjidka Muhammad Ali, waxaana uu warbixin guud ka siiyay taariikhda Masjidka iyo marxaladihii kala duwanaa uu soo maray, isagoo sheegay in Masaajidka uu ka mid yahay goobaha muhiimka u ah Islaamka, waxaana maalin kasta soo booqda dalxiiseyaal aad u badan oo ka kala yimaada adduunka." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Masjidkan oo sidoo kale loo yaqaano (Alabaster) ayaa ka barbar dhisan qalcadda Salahuddin al-Ayub. Dalxiiseyaasha ayaana Masjidkan u yimaada, si ay sawirran xusuus ah ugu galaan Masaajidka iyo qalcadaasiba.

Salahuddin al-Ayub waxa uu ahaa hoggaamiye Islaami ah oo ku caanbaxay dagaaladii uu la galay gaalada, dibna uga soo celiyay dhulkii ay ka qabsadeen Shaam, waana hoggaamiyihii burburiyay Dowladdii Faadumiyiinta ee ka arrimineysay dalka Masar, waxaana uu aasaasay Dowladdii Ayuubiyiinta ee mar ka talineysay Shaam, Xijaas, Yemen, Masar iyo qaybo ka mid ah Magrib oo maanta loo yaqaano waqooyiga Afrika, oo dalal dhowr ahi ay dhacaan.