Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare oo ku sugan Laascaanood

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Gudoomiye Kuxigeenka iyo wafdigiisa ayaa la kulmay Garaadada Gobolka Sool, ee muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada.

Intaasi ka dib Gudoomiye Kuxigeenka iyo xubnihii la socday ayaa kormeeray goobaha caafimaadka ee magaalada, oo burbur xoog leh uu ka soo gaaray dagaalka muddada labada bilood ku dhow ee ka socdo magaaladaasi.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo laga soo doorto Gobolka Sool ayaa ka mid ah wafdiga Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare.

Wafdigan ayaa qiimeynaya xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi, si ay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ula wadaagaan waxa ay ku soo arkayn Laascaanood.