Haweeney Israeli ah oo geeriyootay, iyadoo ku jirta meel gabaad ah

Haweeneydan ayaa la sheegay in ay ka mid ahayd shacab maanta ka cararay gantaalada Iran ee lagu weeraray deegaanada waqooyiga Israel.

Haweeneydan ayaa waxaa la sheegay in uu wadno xanuun ku soo booday, iyadoo ku jirta meel gabaad ah oo gantaalada laga galo, kuna taala Magaalada Karmiel oo ku dhow xuduudda Israel iyo Lubnaan.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in wadnaha laga qabtay haweeneydaasi, isla-markaana ay ku dhimatay goobta gabaadka badbaadada ee dhulka hoostiisa.

Adeegga Ambalaasyada Israel ee MDA ayaa sheegay in haweeneyda 51 jirka ah ay wadno xanuunka u dhimatay, ka dib markii seeriga digniinaha la shiday, si dadka kuwooda weli bannaanada jooga looga digo in gantaal kale oo Irani ah uu ku soo socdo magaalada.

Dhanka kale Adeegga MDA ayaa sheegay in tirada dadka ku dhaawacmay weerarkii Jimcahan lagu qaaday magaalada ugu weyn waqooyiga Israel ee Haifa ay gaartay 23 qof.

Adeegga MDA ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka ay qaadeen ay qabaan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ku jiro wiil 16 jir ah oo firir uu ka galay qaybaha sare ee jirkiisa.

Duqa Magaalada Haifa, Yona Yahav ayaa Warbaahinta u sheegay in Iraaniyiintu ay duqeeyeen laba goobood oo istiraatiiji ah oo ku yaala magaaladaasi, isagoo aan faah faahin bixin.

Ciidamada Iran ayaa la sheegay in maanta ay illaa 25 gantaal ku weerareen koonfurta iyo waqooyiga Israel, mana jirto wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay duqayntii koonfurta, sida ku cad xogta shaqaalaha caafimaadka.