Hawlgalka Gobolka Hiiraan oo galay toddobaadkii labaad
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa toddobaadkii labaad sii wada hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro Gobolka Hiiraan.
Hawlgalka ayaa ka soconaya dhanka bari ee Webiga Shabelle, iyadoo ciidamadu ay hawlgalkoodan maleeshiyadaasi kaga sifeynayaan webiga jiinkiisa.
Ciidamada ayaa waxaa hawlgalka ku wehlinaya Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, kaas oo Dowladda Soomaaliyeed lagaga taageerayo la dagaalanka Al Shabaab.
Militariga Jabuuti ayaa Khamiistii ku biiray hawlgalkan, waxayna ciidamada ka caawinayaan madaadiicda goobta ee lagu burburinayo dhufeysyada ay maleeshiyadu ku leedahay dhulka hawdka ee webiga hareerihiisa.
Ciidamada oo jihooyin kala duwan ku socda ayaa isku fidinaya deegaanada saaran webiga, waana hawlgalka sifeynta ee qorax ka soo baxa, waana bilowga gulufka ku wajahan daanta galbeed ee webiga ee gobolka galbeedkiisa.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda ahmiyad badan siinaya in la qabto deegaanka Jicibow oo hoostaga Degmada Buuloburde ayay ciidamadu iska caabin kala kulmayaan maleeshiyada Shabaabka.
Maleeshiyada oo ku uruursan bannaanada hore ee deegaanka iyo dhulka hawdka ee ku teedsan ayaa isku dayaya in ay dib u caabiyaan ciidamada, balse ma cadda illaa iyo inta ay awoodi doonaan inay sii dagaalamaan. Ciidamada ayaana la sheegaya in hadafkoodu ugu weyn uu yahay inay xoreeyaan Jicibow, ka hor inta aysan sahansan galbeedka webiga.
Saraakiisha Ciidamada ayaa ku taamaya in markii ugu horreysay ay cagta dhigaan galbeedka Gobolka Hiiraan, oo dhowr iyo toban sano ay Shabaabku maamulayaan.