Hay'adda CID oo baareysa meydadka lamaane hore oo laga helay Muqdisho

Waxay ahayd dhacdo kale oo hadalhayn ka dhalisay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Sabtidii gaari dhexdiisa laga helay meydadka nin iyo haweeney la sheegay inay horey isu qabi jireen.

Meydadkooda ayaa laga helay gaarigan, xilli uu ku xareysnaa garaash ku yaala agagaarka Xarunta Madxafka Qaranka ee Caasimadda Muqdisho. Gaariga laga dhex helay meydadkooda waa gaari Bullet-proof, oo ah nooca aysan xabaddu karin.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim ayaa ahaa darawalka Xoghayihii hore Joogtada ee Xafiiska Raysal Wasaaraha, Maxamed Abuukar Subeyr. Gabadha iyana meydkeeda laga helay goobta oo lagu magacaabi jiray Xamdi Cabdiqaadir Cabdulle ayaa la sheegay in laba sano ka hor ay kala taggeen marxuumka, haddana ay ahayd xaaska askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Qoysaska labada marxuum ayaa siyaabooyin kala duwan u sheegay in raq iyo ruuxba ay ugu dambeysay Khamiistii, tan iyo xilligaana ay raadinayeen, isla-markaana ay markii dambe maqleen in meydadkooda laga helay gaari Bullet-proof ah.

"Gabadha iyo wiilka ku dhawaad laba sano way kala maqan yihiin, wiil ayay isu dhalleen, waana ka dhintay. Gabadha muddo ayay garoob ahayd, markii dambena nin askari ah ayaa guursaday." Ayuu yiri Cabdiqaadir Cabdulle Maxamuud, oo ah aabaha dhalay Xamdi Cabdiqaadir oo 22 jir ahayd.

Maadaama meydadkooda ay doorsoomeen, waxaa loo maleynaya in muddadii ay qoysaskooda raadinayeen inay ku dhex jieen gaariga. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay geeridooda iyo waxa labadooda goobta ku kulmiyay.

Hay'adda Dembi Baarista ee CID ayaa hadda ku foogan baaritaanka ku aaddan asbaabta ay u dhinteen labadaasi qof, iyadoo qoysaskuna ay tuhun ka muujinayaan in la dilay.

Wiil la dhashay marxuumka ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in walaalkii uu caddaalad helo, haddii baarista lagu ogaado in walaalkii la dilay.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Saraakiisha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay dib u daawanayaan muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka amniga ee ku xiran agagaarka goobta gawaarida la dhigto ee uu yiilay gaarigii ay labada marxuum ku dhex jireen, markii meydadkooda la helayay.

Ur aad u daran oo ka imaaneysay dhanka gaariga ayaa shaki ku dhalisay dadkii goobta ku sugnaa, waana tan keentay in laamaha amniga lagu wargeliyo, ciidamaduna ay goobta yimaadaan.

Illaa iyo hadda ma cadda in dadkaasi la dilay iyo in kale, balse waxaa jira su'aalo ku gadaaman qaabka ay u dhinteen, oo hay'adaha ammaankana ay tahay inay ka jawaabaan.