Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo soo dhaweeyay maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas

Hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa soo dhaweeyay heshiiska taariikhiga ah, ee ay maxaabiista isku weydaarsanayaan Israel iyo Xamaas, muddo 4 maalmoodna lagu hakinayo dagaalka.

Xamaas ayaa lagu wadaa in ay sii deyso 50 ka mid ah la haysteyaasha reer Israel, halka Maamulka Israel uu xabsiyadiisa ka sii deyn doono 150 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta. 

Xabad joojinta ayaa lagu wadaa in ay dhaqangasho subaxnimada Khamiista. Xabad joojintan ayaana looga faa'iideysan doonnaa in si mug leh gurmadka bani'aadantinimo loo gaarsiiyo Marinka Gaza. Muddada ay xabad joojintu socoto ayay tahay in maxaabiista la isku dhaafsado.

Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo garwadeen ka ahaa heshiiskan ayaa sheegay in uu rajeynayo in la soo afjaro colaadda dhinacyada.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa soo dhaweeyay heshiiska lagu sii deynayo qayb ka mid ah maxaabiista, isagoona sheegay in la haysteyaasha ay dhawaan dib ula midoobi doonaan qoysaskooda. Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka diblomaasiyiinta Mareykanka ee heshiiska, kuwaa oo sida uu sheegay gacan ka gaystay hirgelintiisa.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay labada dhinac isku dhaafsanayaan maxaabiista.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, David Cameron ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo muhiim ah, oo lagu sii deynayo dadkii ay Xamaas ku qafaalatay weerarkii 7-dii October iyo in uu dhabaha u xaarayo in kaalmada bani'aadantinimo la gaarsiiyo dadka u baahan.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa dhankiisa si diiran u soo dhaweeyay heshiiska Ururka Xamaas iyo Maamulka Israel.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo qudhiisa soo dhaweeyay heshiiskaasi ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqayn doono samatabixinta dhammaanba la haysteyaasha.

Sidoo kale Dowladaha Jarmalka, Ruushka, Shiinaha, Jordan, Koonfur Afrika iyo kuwa kale ayaa soo dhaweeyay heshiiska.

Kumanaan qof oo dadka reer Israel ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Tel Aviv, iyagoo sheegay in halkaasi ay ku sugayaan maxaabiista ay filayaan in loo soo sii daayo.

Xamaas ayaa la sheegay in ay sii deynayso la hayteyaasha lagu sheegay dumarka iyo carruurta, kuwaa oo laga soo afduubay dhulka ay Israel deegaamaynta ka sameysay.

Si kastaba ha-ahaatee Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe iyo kuwa kale ee caalamka ayaa dhinacyada kula dardaarmay in heshiiska ay si buuxdo u dhaqangeliyaan.