In ka badan 100 qof oo lagu dilay duqaymo ka dhacay Marinka Gaza
Israel oo sii wadda weeraradeeda naxariis darrada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ayaa in ka badan 100 qof ku dishay waqooyiga Marinka Gaza, ka dib laba weerar oo lagu beegsaday guryo ay dad shacab ahi deganaayeen.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa goob qura ku dilay 93 qof, ka gadaal markii ay Talaadadii duqeeyeen dhisme shan dabaq ah, oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya ee waqooyiga Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa sidoo kale goor dambe oo xalay ahayd beegsaday guryo ku yaala waqooyiga Marinka Gaza, halkaasna ay ku dileen 19 qof oo kale.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 25 carruur ah ay ka mid yihiin dadka faraha badan ee lagu laayay Beit Lahiya, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay caado ka dhigatay inay si indha la'aan ah isaga leyso dadka maatida ah, taasna ay ku timid aamusnaanta dunida.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in ay ka argaxeen weerarka, waxaana uu ku sheegay mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Gaza, ku dhawaad saddex bilood.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in weerarka uu ka mid yahay toddobo dhacdo, oo dad fara-badan ay ku dhinteen oo isbuucii la soo dhaafay ka dhacay Marinka Gaza.
Weeraradan ugu dambeeyay ayaa imanaya maalin uun ka dib, markii la sheegay in Ciidamada Israel ay xireen Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza.
Ka dib maalmo ay hawlgal ka wadeen isbitaalkaasi, Ciidamada Israel ayaa uga tagey burbur baahsan, taasoo keentay in howlihii isbitaalka ay istaagaan.
Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay isbitaalka ka daadgureeyeen qoysaskii barakcayaasha ee gabaadsanayay iyo inta badan bukaankii lagu daweynayay, marka laga soo tago in tiro ka mid ah ay dileen. Sidoo kale waxaa la sheegay in ay dhaawac iyo xarigba isugu darayn dhowr iyo soddon ka mid ah shaqaalihii caafimaadka ee isbitaalkaasi.
Ka hor inta aysan Ciidamada Israel gudaha u gelin isbitaalka ayaa waxaa ku sugnaa lix boqol oo bukaan oo ay wehliyaan eheladooda iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka. Isbitaalka waxaa kaloo gabaadsanayay qoysas la soo barakaciyay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa isna xaqiijiyay in 600 oo bukaan ah ay daryeel caafimaad u joogeen isbitaalkaasi.
Madaxa Hay'adda WHO ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay dhaawaceen qaar ka mid ah shaqaalihii caafimaadka ee ka hawlgalayay isbitaalka, isla-markaana ay xireen tobanaan kale.
Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Dr. Hussam Abu Safiya ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay dileen wiilkiisa, isla-markaana ay horey u kaxeysteen 31 ka mid ah shaqaalihii isbitaalkaasi.
Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Israel ay isaga baxeen isbitaalka, balse ay taangiyadooda ku hareereysan yihiin isbitaalkiisa, iyagoo xanibaya adeegyadii uu isbitaalku bixinayay.
Kamaal Adwan ayaa ka mid ahaa saddexda isbitaal ee sida yar haatan uga shaqeynayay waqooyiga Marinka Gaza, waana kan ugu dhow dhaqdhaqaaqa militari ee Israel ee Beit Lahiya iyo xerada qaxootiga Jabalia. Isbitaalkan ayaa qaabili jiray inta badan dadka ku dhaawacma dagaalada ku xeeran iyo dadka kale ee bukaan socodka ah.
Ciidamada Israel oo muddo afar toddobaad ah hawlgal militari ka wada waqooyiga Marinka Gaza ayaa xiray marinada bani’aadantinimo, sida ay sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobey.