Iran iyo Iraq oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah 

Dowladaha Iraq iyo Iran ayaa Axaddii Magaalada Baghdad ku kala saxiixday heshiis la xiriira dhinaca amniga xuduudaha ee dalalkaasi.

Heshiiskan taariikhiga ah ayay labada dowladood ku doonayaan inay ku sugaan, kuna adkeeyaan amniga xuduudaha ay wadaagaan, gaar ahaan gobolada ay ku badan yihiin dadka Kurdiyiinta.

Dowladda Iraq ayaa sheegtay in heshiiskan looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo xadka Gobolka Kurdiyiinta Iraq, sababo ku aaddan Dowladda Iran oo sheegtay in kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta ay khatar ku yihiin amnigeeda.

Heshiiska ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay si wadajir ah u ilaaliyaan xuduudaha ay wadaagaan iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga.

Iraq ayaa ballanqaaday inaanay kooxahaasi u ogolaan doonin in ay Gobolka Kurdiyiinta ee dalkeeda ka abaabulaan weerar lagu carqaladeynayo amniga dalka Iran.

Iran ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka, Ali Shamkhani, halka dhanka Iraq uu u saxiixay La taliyaha Amniga Qaranka, Qasim al-Araji, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Raysal Wasaaraha Iraq, Mohammed al-Sudani.

Tehran ayaa ka walaacsan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Kurdiyiinta waqooyi Iraq, ee xiriirka dhow la leh Kurdiyiinta dalkeeda, iyadoona iskaashigooda u aragta mid caqabad ku noqon kara amnigeeda.

Ali Shamkhani ayaa Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA u sheegay in heshiiskani uu soo afjari karo weerarada kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta.

Hindisaha heshiiskan oo soo bilowday sanadkii hore ayaa laga leeyahay in lagu xakameeyo bannaanbaxyada iyo rabshadaha ka dhaca deegaanada ay degan yihiin dadka Kurdiyiinta ah.