Iran oo weerar culus ku qaadday Israel

Dowladda Iran ayaa xalay weerar aan horey noociisa loo arag ku qaadday Israel, ka dib weerarkii ku dhawaad laba toddobaad ka hor ay Israel u gaysatay Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq.

Iran ayaa weerarkeedan u adeegsatay diyaarado drones ah, gantaalada ballaastikada iyo kuwa cruise-ka, iyadoona si weyn u gilgishay Magaalooyinka Israel, sida Tel Aviv iyo Jerusalem.

Kooxaha ay Iran taageerto ee loo yaqaano (Dhidibka iska caabinta) ayaa sidoo kale drones-ka is qarxiya iyo gantaalo ku weeraray Israel.

Ururka Xisbullah ee Lubnaan, kooxaha waxba iska caabinta ee Ciraaq iyo Xuuthiyiinta Yemen ayaa qayb ka ahaa weerarka ballaaran ee lagu qaaday Israel.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in 400-500 oo drones ah lagu soo weeraray gudaha Israel, isla-markaana uu weerarka Iran gudaha Israel ka abuuray qalqal xoog leh.

Intii uu weerarku socday ayaa magaalooyinka waaweyn laga maqlayay dhawaqa digniinaha, waxayna Israel ay shacabkeeda u sheegtay inay galaan godadka dhulka hoostiisa ah, isla-markaana ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan.

Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay beegsadeen, isla-markaana ay burburiyeen saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Israel, oo ay ku jiraan garoomo diyaaradeed.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay midkii ay Israel ku qaadday Qunsuliyaddooda Suuriya, waxayna Israel uga diggeen inay mar kale ku soo xadgudubto Iran, haddii kalena ay la kulmi doonto cawaaqib aad u daran.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in weerarka Iran uu khasaare aan badnayn u gaystay mid ka mid ah saldhigyadooda ciidan.

“Tiro gantaal ah oo Iran ay leedahay ayaa ku soo dhacay dhulka Israel, kuwaas oo waxyeelo yar u geystay saldhig militari, oo aysan cidina wax ku noqon. Khasaaraha hal gabar oo keliya ayaa ku dhaawacantay weerarka Iran, waxaana rajeynaynaa inay bogsato." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Difaaca Israel ay inta badan burburiyeen diyaaradihii iyo gantaalihii lagu soo weeraray, waxaase uu xaqiijiyay in qaar ka mid ah ay garab mareen nidaamka difaaca hawada ee Israel.

Xubnaha Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka oo kulan degdeg ah yeeshay ayaa ku hanjabay in Israel ay si adag uga jawaabi doonto weerarka Iran.

Wasaaradda Gaashaandhigga Iran ayaa Mareykanka ugu yeertay inaanu la soo safan Israel, haddii kalena la burburin doono saldhigyada uu ku leeyahay Bariga Dhexe.

Wasaaradda ayaa sidoo kale dalalka Carabta uga digtay in saldhigyo ku yaala dalalkooda laga soo weeraro gudaha Iran, si aanay cawaaqib daran uga la kulmin Tehran.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo dowlado kale oo reer galbeed ah ayaa cambaareeyay weerarka Iran, iyagoona garab istaag u muujiyay Israel.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa soo gaabiyay fasaxa toddobaadkan oo uu ku joogay Gobolka Delaware, waxaana uu dib ugu laatay Aqalka Cad. Madaxweyne Biden ayaa la kulmay Golaha Amniga Qaranka.

Dowladaha qaarkood oo ay ku jiraan kuwa gobolka ayaa ku baaqaya in la qaado tallaabooyin hoos loogu dhigayo xiisadda ka sii dareysa, iyadoo laga baaqsanayo dagaal weyn.

Marka aad eegto heerka halista ah ee ka jirta gobolka ayaa waxay dad badani ka baqdin qabaan in ay dunida ku hoggaamiso dagaal 3aad.

Colaadda Bariga Dhexe ayaa xudun u ah duulaanka Israel ee Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 33 kun oo qof oo ka mid ah shacabka Falastiiniyiinta.