Iran oo xaqiijisay in la dilay Ali Larijani oo ahaa siyaasi rug-caddaa ah

Warbaahinta Dowladda Iran ayaa saqdii dhexe ee xalay shaacisay in la dilay Ali Larijani, oo ahaa Madaxii Golaha Amniga Qaranka ee Iran iyo Taliyihii Xoogaga Basij, General Gholamreza Soleimani, oo ah maleeshiyaad taabacsan Ciidamada Qalabka Sida ee Iran.
Wakaaladda Wararka Fars ee Iran laga leeyahay ayaa sidoo kale sheegtay in Ali Larijani iyo sarkaalka kaleba lagu dilay weerar xagga cirka ah, xilli Larijani uu gabadhiisa ku booqanayay duleedka bari ee Magaalada Tehran oo ay ku sugneyd.
Israel ayaa Talaadadii sheegtay in ay duqayn ku dishay Ali Larijani iyo General Gholamreza Soleimani.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen labaduba.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in dilku uu adkayn doono go'aanka ay Iran ku wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Mareykanka iyo Israel.
Ali Larijani ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreyay oo Irani ah oo la dilo, ka dib maalintii koowaad ee dagaalka oo la dilay xubno sarsare.
Mareykanka iyo Israel ayaa 28-kii bishii February oo dagaalkan uu ka qarxay Bariga Dhexe hawlgal wadajir ah ku dilay Hoggaamiyihii ugu sarreyay ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo saraakiil ciidan.
Masuuliyiinta Iran ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in weerarka lagu dilay xubnahaasi uu yahay khad cas oo laga soo gudbay, kaasoo dhabaha u xaaray dagaalka saddexda toddobaad ka sii soconaya gobolka.
Ka dib markii Mareykanka iyo Israel ay bilaabeen inay duqaymo ka gaystaan dalkaasi dhammaadkii bishii February, Larijani ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ugu horreyay ee Iran ee Mareykanka iyo Israel ku eedeeyay inay doonayaan inay burburiyaan, isla-markaana ay dhacaan hantida dalkaasi.
Siyaasigan oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda dalka ayaa sidoo kale digniin adag ka soo saaray in tallaabo adag laga qaadi doono, cid kasta oo isku dayda inay mudaaharaad ka sameyso dalkaasi, iyadoo dagaal lagu la jiro cadowga.
Larijani ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu awoodda badan ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, waxaana lagu tilmaamaa in uu ahaa nashqadeeye siyaasadeed iyo khabiir dhinaca amniga ah.
Ka dib kacaankii ka curtay dalkaasi sanadkii 1979-kii, Larijani ayaa loo arkaayay in uu yahay mid caqli-gal oo macquul ah, wuxuuna had iyo jeer uu go'aankiisu ahaa inuu si adag u ilaaliyo nidaamka dowladeed ee Iran.
Larijani oo 67 jir ahaa ayaa la taliye u soo noqday Hoggaamiyihii ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ee la dilay bilowgii dagaalkan.
Ali Larijani ayaa bishii June ee sanadkii 1958-kii ku dhashay Magaalada Najaf ee dalkaasi Ciraaq, halkaas oo ay degan yihiin culimo waaweyn oo reer Iran ah.


