Israel oo dadkii ugu badnaa ku dishay Lubnaan, tan iyo markii xabad joojinta la dhaqangeliyay

Israel ayaa ka carreysiisay Ururka Xisbullah, ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku jebineyso heshiiskii xabad joojinta ee labada dhinac aqbaleen toddobaadkii hore.

Maalintii lixaad ee xabad joojinta, Xoogaga Xisbullah ayaa gelinkii dambe ee Isniintii gantaalo ku weeraray dhulka ay Israel ka haysato Lubnaan, taasoo lagaga jawaabayay duqaymaha maalmihii la soo dhaafay ay Israel ka gaysaneysay koonfurta dalka Lubnaan,

Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xoogageeda ay weerareen saldhig ay Ciidamada Israel ku leeyihiin Buuraha Kfarchouba. Xisbullah waxay sheegtay in weerarku uu jawaab u ahaa xadgudubyada soo noqnoqday ee ay Israel ku carqaladeynayso in xabad joojinta la joogteeyo.

CNN ayaa ku warantay in Xisbullah ay markii ugu horreysay noqoneyso, oo ay garaacdo dhulka ay Israel haysato.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegeysa in tan iyo maalintii 1aad ee xabad joojinta la dhaqangeliyay ay Israel ka gaysatay Lubnaan ku dhawaad 100 weerar oo dad rayid ah ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Israel iyo Xisbullah ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu jebinayo qodobada heshiiska uu ujeedku ahaa in loogu gogol xaaro xabad joojin muddo dheer.

Xisbullah ayaa shalay ka carootay duqayn ay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen deegaanka Marjayoun ee koonfurta Lubnaan oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa dowladda dalkaasi, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Golaha Amniga Qaranka ee Lubnaan ayaa cambaareeyay weerarka lagu dilay Mahdi Khreis, isagoo gudanaya bay yiraahdeen waajibaadkiisa shaqo.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa Saraakiisha Dowladda ayaa daabacday in ay laba qof ku dhinteen duqaymo ay Israel shalay ka fulisay koonfurta dalkaasi.

Sidoo kale Taliska Militariga Lubnaan ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda uu ku dhaawacmay weerar ay Israel ka gaysatay bariga Lubnaan.

Ka dib markii Xisbullah ay Isniintii duqaysay dhulka la haysto, Israel ayaa duqayn culus ka gaysatay dalkaasi.

Telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in duqaymaha Israel ay shalay illaa xalay ka gaysatay dalka Lubnaan ay ku dhinteen 11 qof, waana khasaarihii ugu badnaa ee ay ka gaysato dalkaasi, lixdii maalmood ee ay jirtay xabad joojinta aan tiirka adag ku taagneyn.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in shan qof lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Haris, afar kalena ay ku dhinteen deegaanka Talloussah.

Ciidanka Cirka Israel ayaa qaaday weeraro is daba joog ah, ka dib markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray in ay si adag uga aargudan doonaan weerarka ay Xisbullah ku ekeysay saldhig ay degan yihiin ciidamadiisa. Netanyahu ayaa weerarka Xisbullah ku timaamay mid xadgudub halis ah ku ah heshiiska.

CNN ayaa sheegtay in Mareykanka iyo Faransiiska ay rumeysan yihiin in Militariga Israel ay ku xadgudbeen qodobada xabad joojinta.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ee dalka Lubnaan ayaa laga soo xigtay in Ciidamada Israel ay si cad ugu xadgudbeen heshiiska, ka gadaal markii ay qaadeen qiyaastii 100 weerar, tan iyo 27-kii bishii bishii November oo xabad joojinta ay ka bilaabaneysay.

Dhinacyada oo haatan is xakameeya ayaa ka caawineysa in heshiiska xabad joojinta uu sii socdo, balse haddii ay ficiladoodu sii wadaan, markaas way iska caddahay in wax dambe oo haray aysan jirin.

Maalmo ay Israel duqaymo ka wadday dalkaasi iyo jawaabtii ugu horreysay ee ay Xisbullah ka bixisay, xabad joojinta jilicsan ayaan la aqoon waxa uu masiirkeedu noqon doono.