Israel oo diiday inay fasaxdo gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza
Maamulka Israel ayaa adkeeyay go'aankooda ay ku diidan yihiin in gargaarka bani'aadantinimo la gaarsiiyo Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.
2-dii bishii March ayay ahayd, markii Israel ay soo saartay amar ay si guud gargaarka uga joojineyso Marinka Gaza, waana xilli gargaarku uu yahay waxa ugu weyn ee ay maanta ku tiirsan tahay nolosha dadka reer Gaza.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in Tel Aviv ay sii wadi doonto is hortaaga ay ku hayso gargaarka, isla-markaana aanay fasixi doonin, si ay ugu cadaadiyaan Ururka Xamaas.
Wasiirka ayaa Arbacadan hoos u dhigay qaylo dhaanta xoogan ee ka soo yeereysa hay'adaha caalamiga ah ee ka digaya cawaaqibka ba'an ee xanibaaddan ku yeelaneyso dadka rayidka ah.
"Siyaasadda Israel way caddahay. Wax gargaar bani'aadantinimo ah lama gayn doono Gaza. Xanibaadda gargaarkan waa mid ka mid ah waxa ugu weyn ee ka hortagaya Xamaas inay sida qalab oo kale u isticmaasho dadka." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa war uu soo saaray ku sheegay "Ma jirto cid hadda qorsheynaysa inay wax gargaar bani'aadantinimo ah u ogolaato Gaza, mana jirto diyaargarow lagu suurtagelinayo gargaarkaas."
Israel, keliya raashiinka, shidaalka iyo sahayda dawada ah kama joojin Gaza, waxayse sidoo kale bartamihii iyo daba-yaaqadii bishii March ay dadka Gaza ka jartay adeegyadii biyaha iyo korontada.
Lixdii toddobaad ee u dambeysay ayaa waxaan jirin wax gargaar ah oo la geeyay Gaza. Israel ayaa dhegaha ka fureysaneysa baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo in ay qaaddo xanibaadda ay ku hayso gargaarka naf badbaadinta ee ku qurmaya xuduudaha Gaza.
Qaramada Midoobey ayaa waxay ka digtay in macluul ka dilaaci karto Gaza, maadaama Israel ay weli si buuxda u hortaagan tahay inay fasaxdo kaalmada bani'aadantinimo ee muddada dheer Gaza ka noqday, waxa loogu baahida badan yahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa qiray in xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ay aad u sii xumaaneyso.
Xoghaye Guterres ayaa intaasi ku daray in gargaarka la xanibay uu abuuray walaac caalami ah, isagoona Israel ugu baaqay in ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa dhawaan ku andacooday in xanibaadda sahayda looga gol leeyahay in lagu cadaadiyo Xamaas, si ay u sii deyso Israeliyiinta lagu haysto Gaza iyo in la kordhiyo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee waqtigiisu dhammaaday 1-dii March. Netanyahu iyo dowladda uu hoggaamiyo ayaa diidan in loo gudbo wejiga labaad ee heshiiska, sida ku cad is afgaradkii la gaaray 15-kii bishii January.
Marxaladda labaad oo loo gudbo ayaa Israel khasab kaga dhigeysa in ay ciidamadeeda kala baxdo Gaza oo dhan, taasoo ay ka soo horjeeddo, waana sababta ay u diidan tahay heshiiskii ay horey u gashay ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza.
Dhanka kale duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa waxaa maanta oo ugu dambeysay ku dhintay 25 qof oo dad rayid ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 1,652 Falastiiniyiin ah la dilay, tan iyo 18-kii bishii March oo Israel ay soo cusbooneysiisay weeraradeeda arxan-darrada ah ee Gaza. Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in 4,391 kalena la dhaawacay. Wadarta guud tirada dadka lagu dilay Gaza, tan iyo bishii October ee sanadkii 2023 ayaa kor u dhaaftay 51 kun oo qof.
Hay'adda Dhakhaatiirka Aan Xuduudaha Lahayn (MSF) ayaa sheegtay in dhulka Gaza uu noqday xabaal wadareed ay ku aasan yihiin Falastiiniyiinta iyo kooxaha samatabixinta ee isku dayaya in ay caawiyaan.
Dunidu waxay ka marqaati kaceysaa in waxa ka dhacaya Gaza ay yihiin dembiyo dagaal, haddana ma jirto cid illaa iyo hadda tallaabo u qaadi karta dhinaca Israel, si gacmaha loo qabto, loogana joojiyo dembiyadeeda aan dhammaadka lahayn.