Israel oo gebi ahaanba joojisay gargaarkii Gaza, si ay Xamaas ugu cadaadiso
Israel ayaa soo celisay xanibaaddii ay muddada dheer ku haysay gargaarka bani'aadantinimo ee la gaysanayo Marinka Gaza, ka dib markii aan wax heshiis ah laga gaarin wada hadaladii ugu dambeeyay ee dalka Masar, isla-markaana looga hadlayay, sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.
Wada hadaladan ayuu hadafku ahaa in lagu xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray, iyadoo la badbaadinayo xabad joojinta jilicsan ee Gaza iyo sidii loo saxiixi lahaa marxaladda labaad ee heshiiska. Labada dhinac ayaa horey isugu afgartay in wejiga labaad uu bilow u noqdo soo afjaridda colaadda Gaza.
Israel iyo Xamaas ayaa January 15-keedii ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad, marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza.
Caqabadda ugu weyn ee heshiiska soo food saartay ayaa ka dhalatay, markii Israel ay diiday inay gasho marxaladda labaad ee lagaga gudbayo wejigii koowaad ee heshiiska oo ku ekaa Sabtidii.
Xamaas ayaa Israel ku eedeysay in ay shuruudo cusub la timid miiska, isla-markaana aysan dooneyn inay gasho wejiga labaad ee heshiiska, iyadoona soo jeedisay in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad, taasoo aan ahayn wixii horey loogu heshiiyay. Wejiga koowaad oo lagu sii socdo ayaa Israel ka caawinaya in ciidamadeeda ay sii joogaan meelaha ay hadda kaga harsan yihiin Gaza, waana sababta ay Xamaas uga hortimid.
Israel ayaa waxay aqbashay in xabad joojin ku-meel-gaar ah laga sameeyo Marinka Gaza, ka dib soo jeedin ay sheegtay inay uga timid Ergayga Madaxweynaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff. Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay aqbashay soo jeedintaasi oo ku saabsan xilliyada Ramadanka iyo Ciidda Yahuudda. Muddada xabad joojintan ku-meel-gaarka ah ayaa soconeysa 50 maalmood. Ramadanka oo bilowday 1-dii bishan March ayaa dhammaan doona 29-30-ka March, halka munaasadaha Yahuudda ay socon doonaan illaa 19-ka bisha April.
Go'aanka Israel ay Axaddii ku joojisay gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza ayay u sababeysay in Xamaas aysan aqbalin soo jeedinta Mareykanka ee xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, oo horseedeysa bay tiri in na loo soo daayo qaar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in go'aanka lagu hor istaagayo wax kasta oo badeecado iyo sahay ah ee soo gala Gaza ay u qaateen, si Xamaas loogu cadaadiyo inay aqbasho hindisaha cusub ee lagu kordhinayo buu yiri wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta maxaabiista, kaas oo uu sheegay inuu soo saaray Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Netanyahu ayaa Xamaas uga digay in ay la kulmi doonto cawaaqib dheeri ah, haddii aysan aqbalin soo jeedintaasi.
Diidmada Israel ee kaalmada bani'aadantinimo ayaa cawaaqib bani'aadantinimo ku yeelaneysa dadka rayidka ah.
Israel ayaa la sheegaya in xitaa ay xilli kasta dib u bilaabi karto dagaalka Gaza, si ay culeys ugu saarto Xamaas.