Israel oo ka carootay warbixin ka dhan ah oo Qaramada Midoobey ay soo saartay

Israel ayaa carro xoog leh ka muujisay warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR, oo lagu sheegay in weerarada Israel ku hayso isbitaalada Gaza ay abuureen walaac weyn oo ku aaddan in dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bani'aadantinimada ay ka gaysatay Marinka Gaza.

Xafiiska OHCHR ayaa sheegay in weerarada Israel ee ka dhanka ah goobaha caafimaadka ay dhaliyeen in nidaamka caafimaadka ee Gaza uu qarka u fuulo inuu burburo.

Warbixinta ayaa lagu faah faahiyay muddadii u dhaxeysay, markii uu bilowday dagaalka Gaza illaa bishii June ee 2024, waxayna warbixintu sheegeysaa in Israel ay isbitaalada Gaza ku qaadday weeraro, hareereen, daadgureyn khasab ah oo ay ku sameysay shaqaalihii caafimaadka iyo bukaanadii xaaladdooda lagu la tacaalayay, weeraradaas oo horseeday in bukaanada ay u dhintaan daryeel la'aan amaba in la dilo.

OHCHR waxay waxba kama jiraan ku tilmaamtay sheegashada Israel, ee ah in isbitaalada Gaza ay yihiin goobo ay Xamaas u isticmaasho hawlgaladeeda militari.

Maamulka Israel ayaa si adag u dhalleeceeyay warbixintaasi, waxaana uu maamulku ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo ka dhan ah Israel.

Hawlgalka Israel ee Geneva ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in warbixinta OHCHR ay muujineyso mid xogteeda laga soo xigtay masuuliyiinta caafimaadka ee Xamaas.

"Ururka argagixisada dilaaga ah ee Xamaas ayaa dadka rayidka ah u adeegsada gaashaan oo kale, waxayna isbitaalada u isticmaalaan falalkooda argagixisanimo." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanan loo baahneyn in la dhageysto, waxa ay ku sheegeen waalida siyaasadeysan ee Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, isla-markaana aysan Israel beegsan shacabka aan waxba galabsan.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Talaadadii sheegay in duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Israel ay yihiin kuwo lagu beegsanayo shacabka Falastiin, bedelkeedii ay ahayd buu yiri inay dareemaan ammaan.

"Meeshii ay ahayd in Falastiiniyiintu ay dareemaan ammaan, dhab ahaantii waxay noqotay dabin dhimasho." Ayuu yiri Volker Türk, isaga oo daba jooga in dadka reer Gaza aysan ka baxsan karin duqaymaha xargaha goostay ee Israel, kuwaa oo dareemaya in waddo kasta oo ku baxsan karaan laga soo xiray.

Israel ayaa ku andacooneysa in ololaheeda militari ee Gaza uu yahay mid ay kula dagaalameyso kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, balse Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay'adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo horey u cambaareeyay weerarada Israel ayaa sheegay in qaabka ay u waddo dagaalkeeda uu liddi ku yahay xeerarka caalamiga ah, waana la ogaa wixii ay Israel kaga jawaabtay, iyadoona xiriirkii labada dhinac uu gaaray meeshii ugu hooseysay, taariikhda.

Si kastaba ha-ahaatee warbixinta OHCHR ayaa lagu soo beegay maalmo ka dib weerarkii ay dhawaan Ciidamada Israel ku qaadeen Isbitaalka Kamal Adwaan ee waqooyiga Marinka Gaza, iyagoona 27-kii bishii December ka saaray bukaankii lagu daweynayay iyo shaqaalihii caafimaadka ee ka hawlgalayay.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay dab qabadsiiyeen qolalka qaliinka, qaybta gargaarka degdegga ah iyo qaybtii kale ee shaybaarka ee isbitaalkaasi.

Ciidamada Israel ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimihii isbitaalkaasi Hussam Abu Safiya, waxayna sheegeen inay uga shakisan yihiin in uu ka tirsan yahay Xamaas.

Hay'adaha caalamiga ah iyo qoyskiisuba waxay codsadeen in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu siiyo, Israel-se uma muuqato mid hadda dhageysanaysa.

Israel waxay kaloo diiday in dib loo furo isbitaalkan, oo ah kii ugu dambeeyay ee haatan ka shaqeynayay waqooyiga Gaza, sida uu daabacay Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israel.

Ficilada Israel ee xadgudubka ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kororka dhimashada & dhaawaca faraha badan ee dadka rayidka ah ayaa indhaha dunida ku soo jeediyay Gaza, waxayna sare u qaadday eedeymihii horeyba loogu jeedinayay ee la xiriiray inaysan ahayn dowlad ilaalisa nafta bani'aadamka.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, tirada dadka la dilay ayaa sii caga-cageynaysa 45,553 qof iyo dhaawaca 108,379 kale.