Israel oo ku dhawaaqday in la xaqiijiyay geerida Yahya Sinwar

Israel ayaa caawa ku dhawaaqday in la xaqiijiyay geerida Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Yahya Sinwar, ka dib hannaan baaritaan oo DNA ah oo lagu sameeyay.

Booliska Israel ayaa war ku sheegay in baaritaanka DNA-da uu muujinayo in ninka la dilay uu yahay Yahya Sinwar.

Militariga Israel ayaa sheegay in ninkaasi Arbacadii lagu dilay dhisme ku yaala xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Militariga ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Yahya Sinwar lala dilay laba nin oo kale, inkastoo aysan wax faah faahin ah ka bixin, waxa ay raggaasi ahaayeen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Difaaca Israel ay ku guuleysteen inay dilaan Hoggaamiyaha Xamaas, ka dib markii ay muddo sanad ah ku raad joogeen.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in meydka Yahya Sinwar loo qaaday Israel, si loogu sameeyo baaritaan dhanka DNA-da, maadaama hidda-sidihiisa ay horey u hayeen, muddo dheerna uu ku xirnaa xabsiyada Israel.

Barraha bulshada ayaa maanta la soo dhigay muuqaal uu ka soo muuqday meydka nin aad ugu eg Yahya Sinwar.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Yahya Sinwar lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Rafah.

Marka laga soo tago sheegashada Militariga Israel ee ku saabsan in lagu raad joogay Yahya Sinwar, ka hor inta aan la dilin, haddana wararka laga helayo Israel ayaa sheegaya in ciidamadu aysan waxba kala socon in Sinwar uu ku sugan yahay goobtaasi.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa sheegay in Sinwar uu ka masuul ahaa falalka argagixiso ee ka dhanka ah sida uu yiri shacabka Israel, muwaadiniinta dalal kale iyo dilka kumanaan qof oo aan waxba galabsan.

"Hadda in ka badan sidii hore waa in aan u dhaqaaqnaa si kasta oo suurtagal ah, si aan dib ugu soo celino 101 qof oo na looga haysto Gaza." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo isna goor dhow hadlay ayaa sheegay in dilka Yahya Sinwar uu noqon doono bilowga ciribtirka ee Xamaas.

"Cadowga dharbaaxo culus ayaa gaartay, laakiin howshu ina hortaala weli ma dhammaan." Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Netanyahu ayaa ku tilmaamay dilka Sinwar waqti muhiim u ah dagaalka, isaga oo intaasi ku daray in dadka reer Gaza ay haystaan fursad ay tahay inay uga dambayntii uga xaroobaan sida uu yiri Xamaas.

Netanyahu ayaa masuuliyiinta kale ee Xamaas ugu hanjabay in la dili doono, wuxuuna Xoogaga Xamaas ee haysta la haysteyaasha uu ugu baaqay inay dadkaasi sii daayaan, isagoo xusay qof kasta oo sidaasi sameeya loo ogolaan doono inuu baxo oo uu noolaado.

"Hadda way u caddahay qof walba, Israel iyo adduunkaba, sababta aan ugu adkeysaneynay inaanan joojineyn dagaalka." Ayuu yiri Netanyahu.

Sinwar ayaa hadda ahaa ninka ay Israel ugu doonista badan tahay, iyada oo ku eedeyneysay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Xamaas 7-dii bishii October ee sanadkii hore ku qaadday dhulka ay Israel maamusho, balse laga xoogay shacabka Falastiiniyiinta.

Sinwar ayaa 6-dii bishii August loo magacaabay inuu noqdo Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, ka dib dilkii Ismail Haniyeh loogu gaystay Magaalada Tehran ee dalkaasi Iran.