Israel oo ku madax adeygtay inaanan la joojin dagaalka Gaza

Israel ayaa ku adkeysatay in ciidamadeeda ay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga jiraan Marinka Gaza, iyadoo aan wax dheg jalaq ah loo siineyn amarkii ka soo baxay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ee la xiriiray in la soo xiro Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant.

Maxkamadda ICC ayaa Khamiistii sheegtay in Raysal Wasaare Netanyahu iyo Ex Wasiir Gallant loo haysto xasuuq ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa laga sii daayay war lagu sheegayo in dagaalka Gaza uu sii socon doono, illaa iyo inta laga xaqiijinayo ujeedooyinkii dagaalka ee Tel Aviv.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa goor sii horreysay ku hanjabay in Tel Aviv ay sii wadi doonto weeraradeeda Gaza, illaama laga soo sii deynayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

14 bilood oo dagaalkan uu socdo, Israel ayaan xaqiijin saddexdii hadaf ee ay ugu duushay Marinka Gaza, ee kala ahaa burburinta Ururka Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ee sanadkii hore iyo in Gaza aysan mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.

Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa sii xoojiyay ololaha militari ee ay horaantii bishii hore ee October ka bilaabeen waqooyiga Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka iyo taangiyada Militariga Israel ayaa duqayn ba'an ku haya deegaanada Beit Hanoun, Beit Lahiya iyo Jabalia, oo ay ku taalo xerada ugu weyn ee sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza.

Israel ayaa dadka rayidka ah ee ku haray qaybaha waqooyi ee Gaza ku cadaadineysa inay taggaan deegaanada koonfurta iyo bartamaha, waana xilli aysan jirin waddooyin nabdoon oo halkaasi ay uga soo bixi karaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Ciidamada Israel ee ku sugan isgoysyada iyo waddooyinka ee dhulka ay hawlgalka ka wadaan ayaa tooganaya dadka qaarkood ee isku dayaya in ay ka baxsadaan masiibada bani'aadantinimo ee halkaasi ka jirta, kana dhalatay go'doominta daran ee lagu hayo. Ciidamada ayaa sidoo kale xarig kula kacaya inta badan ragga ay u arkaan inay hubka qaadi karaan, waxaana jira dad aad u fara-badan oo tiradooda aan si sax ah loo garaneyn oo ciidamadaasi ay geeyeen goobo aan la aqoon.

Dadka ku nool deegaanka Beit Lahiya ayaa sheegay in diyaaradaha Israel ay deegaankaasi ku daadinayaan waraaqo dadka ku harsan loogu sheegayo inay isaga guuraan, iyagoo markaasi uga digaya in si ba'an loo duqayn doono.

Xarunta Xuquuqul Insaanka Falastiin ee fadhigeedu yahay Gaza ayaa Tel Aviv ku eedeysay in qorshaheedu uu yahay inay waqooyiga Gaza ka dhigto meel la haysto oo Falastiiniyiinta laga eryay, si ay uga sameyso aag difaac oo ku teedsan xuduuddii ay horey uga dhex sameysay Marinka Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, laakiin ay ugu yeerto koonfurta Israel.

Cagaf-cagafyada Ciidamada Israel iyo diyaaradahooda dagaalka ayaa si saf mareen ah u burburinaya dhismayaasha ku yaala waqooyiga Gaza, ficiladaas oo indhaha dunida soo jiitay.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in qorshaha socdo uu u muuqdo mid Falastiiniyiinta lagaga suulinayo dhulkaasi.

Volker Türk ayaa sheegay in burburinta ula kaca ah ee guryaha iyo kaabeyaasha rayidka ay u dhigmaan dembi dagaal.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ku celcelinaya inaysan arkin wax calaamado ah oo muujinaya in Falastiiniyiinta ay dib ugu soo laaban doonaan guryahooda waqooyiga.

Hay'addu Human Rights Watch ayaa bartamihii bishan cambaareysay hawlgalka ballaaran ee ay Ciidamada Israel ka wadaan deegaanada ku yaala waqooyiga Gaza, kaas oo ay sheegtay inuu liddi ku yahay sharciga caalamiga ah.

Hay'addu waxay Israel ku eedeysay inay gumeysi cusub gelinayso dhulkaasi, ayna ka sifeynayso Falastiiniyiinta, isla-markaana ay ciidamadeedu ka dhigayaan meel aan lagu noolaan karin.

Israel ayaa si daba joog ah u beenineysa in ay boobeyso dhulkaasi, aan ka ahayn inay ka hortageyso in Xamaas dib ugu soo xoogeysato.

Tan iyo markii uu hawlgalkan bilowday ayaa waxaa aad u korodhay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka ah.

Dagaalka Gaza ayaa muddada uu socdo lagu dilay in ka badan 44,240 qof oo shacab ah, in ka badan 104,600 kalena lagu dhaawacay, sida ku cad tirooyinka ay diiwaangelisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.