Israel oo ku socoto inay noqoto dowlad go'doon ah

Israel ayaa qarka u saaran siyaasad iyo dhaqaale ahaan in ay noqoto dowlad go'doon ah, iyadoona lumineysa xiriirkii iyo iskaashigii kala dhaxeeyay reer galbeedka, oo ay wax ka maqli la'dahay, si wax looga qabto xaaladda bani'aadantinimo ee Marinka Gaza, loona joojiyo dagaalka.

Raysal Wasaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka biyo diidan in xukuumaddiisa ay Xamaas la gasho heshiis horseedaya in si buuxda loo soo afjaro colaadda Gaza, maxaabiistana la is dhaafsado, isagoona ku hanjabaya in ay sii wadi doonaan dagaalka, illaa iyo inta laga adkaanayo Xamaas.

Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada ayaa ka horyimid gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka rayidka ah iyo ku dhawaaqisteeda ku aaddan in ciidamadeeda ay ballaarinayaan hawlgalka militari ee Gaza.

Hoggaamiyeyaashan ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin la taaban karo oo ka dhan ah Israel, haddii aysan fasixin gargaarka, isla-markaana ay tixgelin weydo baaqooda ah in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Israel oo ka falcelinayay warkooda ayaa ku tilmaamay mid abaalmarin weyn u ah Ururka Xamaas, isla-markaana ay ku martiqaadayaan in Xamaas ay gaysato mid la mid ah sida uu yiri weerarkii October 7-deedii oo kale.

Ingiriiska ayaa xalay qaaday tallaabo ka dhan ah Israel iyo cunaqabateyn ay saareen Israeliyiinta xagjirka ee sii hurinaya rabshadaha Israeliyiinta la deegaameeyay ka sameynayaan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Ingiriiska ayaa hakiyay wada hadaladii ganacsiga xorta ahaa ee kala dhaxeeyay Israel, sababtu tahay ficiladooda foosha xun ee Gaza, diidmada xabad joojinta, is hortaaga gargaarka iyo ballaarinta ololaha militari ee Gaza.

Dalal kale oo reer galbeed ah ayaa ka fiirsanaya tallaabooyinkii ay qaadi lahaayeen, si Israel loogu khasbo in ay joojiso xadgudubyadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo in la soo afjaro dagaalka ay dadka faraha badan ku dhimanayaan.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay dib u eegayaan xiriirka ay la leeyihiin Israel, sababo la xiriira masiibada gacan ku sameyska ah ee bani'aadantinimo ee ay Israel ka abuurtay Gaza oo dhan, iyadoona khatar dhab ah ku ah nolosha in ka badan laba milyan oo qof oo Gaza ku nool.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in xaaladda ka jirta Gaza ay tahay masiibo bani'aadantinimo.

Dalalka Faransiiska iyo Netherlands oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa u ololeynaya in dib u eegis lagu sameeyo iskaashiga ganacsiga ee ay la leeyihiin Israel, haddii xiriirka labada dhinac uu salka ku hayo ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo mabaadi’da dimoqraadiyadda, sida ku cad qodobka 2aad ee heshiiskii iskaashiga ay horey u gaareen.

Israel ayaa 2-dii bishii March xanibtay gargaarkii la gaynayay Gaza, taas oo kicisay cabsida macluul ku soo fool leh dhulka ay sida weyn u go'doomisay.

Israel ayaa Isniintii ogolaatay in gargaar xadidan la gaarsiiyo Marinka Gaza, ka dib laba bil iyo bar oo ay hortaagneyd  raashiinka, sahayda dawada, biyaha nadiifta iyo shidaalka. Qaramada Midoobey ayaana sheegtay in sahayda la ogolaaday aysan waxba ka tari karin baahida weyn ee ka jirta Gaza.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Tom Fletcher ayaa shalay sheegay in 48-ka saac ee soo socda ay dhiman karaan 14 kun oo carruur ah, haddii aan si dhakhsa ah dadka reer Gaza loola gaarin gargaarka ay u baahan yihiin.

Tom Fletcher ayaa sheegay in xuduudaha Gaza ay ku diyaarsan yihiin baabuurta xamuulka, oo ku raran gargaar isugu jira cunnada carruurta iyo sahayda kale ee nafaqada.

Kuxigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Farhan Haq ayaa isna xalay sheegay in dhowr gawaari oo Israel ay maalintii ogolaatay in Gaza la gaarsiiso aanay daboolin karin baahida ay dadku u qabaan in ay helaan sahay ku filan.

Farhan Haq ayaa sheegay in Israel ay Isniintii fasaxday illaa shan gaari, shalayna ay ogolaatay in tobaneeyo gaari oo gargaarka ah ay galaan Gaza, laakiin aysan gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa.

Farhan Haq ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaramada Midoobey ay dalbaneyso in boqolaal gaadiidka xamuulka ah ay maalin kasta soo galaan dhulka ay colaaddu halakeysay.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa Talaadadii sheegay in aan la ogolaan karin xaaladda silica ah ee ay wajahayaan dadka reer Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa indhaha reer Yurub ku soo jeediyay Israel, kuwaas oo u muuqda in ay ku kala fogaanayaan joojinta dilka iyo gaajeysiinta shacabka tabaaleysan.

Reer Yurub ayaa ah xulafada labaad ee Israel ugu muhiimsan, waana xulafada ay iyaga iyo Mareykanka ku tiirsan tahay, marka ay noqoto joogitaankeeda Gobolka Bariga Dhexe.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhawaan sabab u noqday in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu albaabada ka xirto Israel, ka dib markii isaga iyo Wasiirada midigta fog ee ka tirsan xukuumaddiisa ay dhegaha ka fureysteen in la gaaro heshiis maxaabiista la isku weydaarsanayo. Aqalka Cad ayaa Xuuthiyiinta Yemen iyo Ururka Xamaas ee Falastiin la galay heshiis aan laga talagelin Israel.

Mareykanka iyo Xuuthiyiinta ayaa horaantii bishan gaaray heshiis xabad joojin ah, iyadoo aysan Xuuthiyiinta weerari doonin maraakiibta Mareykanka, halka Mareykankana uu joojinayo duqaymihii ay ciidamadiisa ka gaysanayeen dalka Yemen.

Mareykanka ayaa 12-kii bishii January ee sanadkii 2024 bilaabay in uu garaaco bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee dalkaasi, si loo joojiyo weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ku wajahan Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ka yimaada dekedahaasi ee ku gooshaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Xuuthiyiinta ayaa isla bishaasi bilaabay in ay weeraraan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka ee Mareykanka, taas oo labada dhinac ay hadda ka heshiiyeen. Israel ayaa carro xoog leh ka muujisay tallaabada Mareykanka uu hoos ugu dhigay saamaynteedii gobolka.

Inkastoo Maamulka Madaxweyne Trump uu weli xulafo dhow la yahay Israel, haddana dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Aqalka Cad ayay khubarada ku tilmaameen mid ka tarjumaya farqiga sii kordhaya ee Mareykanka iyo Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa toddobaadkii hore sheegay in Washington ay ka walaacsan tahay xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza, waxaana uu ku celiyay baaqooda ku saabsan in la fasaxo gargaarka ay dadka rayidka aadka ugu baahan yihiin iyo in la bilaabo wada hadalo lagu soo afjarayo dagaalka sii daba dheeraaday.

Israel ayaa xaalad adag dhexda ka geli doonta, haddii ay lumiso xulafadeedii Mareykanka iyo Yurub, waana xilli markii horeba aysan cilaaqaad buuran la lahayn dunida inteeda kale, marka laga soo tago dalal kooban.

Israel ayaa wajaheysay qalalaase dhaqaale, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, taas oo ka dhalatay hoos u dhac weyn oo ku yimid dadkii soo booqanayay. Dalxiiseyaasha ayaa uga cararay Israel weeraradii uga imanayay Ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo kuwa Xuuthiyiinta oo weli socda.

Meelo ka mid ah dunida ayay dadku iska diideen in ay iibsadaan alaabaha badeecadaha ama wax soosaarka Israel, iyaga oo muujinaya gadoodkooda ku aaddan dembiyada dagaal ay ku lugta leedahay.

Israel ayaa dhibaato kale oo dhaqaale kala kulantay go'doominta uu ururka reer Yemen ku dhawaaqay inay ku soo rogeyn Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion, oo ah midka ugu weyn ee Magaalada Tel Aviv.

Shirkadaha diyaaradaha ee ajnabiga ah ayaa amniga hawada Israel oo aan la isku halayn karin awgeed u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagayeen Tel Aviv. Garoonkan ayaa muddo dheer ka mid ahaa meelaha ay Israel dhaqaalaha ugu badan ka hesho.

Xuuthiyiinta ayaa horey u xiray qaar ka mid ah Dekedaha Israel, sababtu tahay shirkadaha maraakiibta qaarkood oo go'aansaday inaysan tagin dekedahaasi. Xuuthiyiinta ayaa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku beegsaday maraakiib ganacsi oo ku sii jeeday dekedaha maamulkaasi.

Iyadoo xaaladda Israel ay gebi dhacleynayso ayuu Netanyahu ku celiyay in Israel ay maamuli doonto Marinka Gaza, waana xilli indhaha dunida oo dhan aad arki karto in ay ku soo wada jeedaan.

Cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya ayaa la odorasayaa in uu Israel ku riixi doono in ay soo afjarto gargaarka bani'aadantinimo ay diidan tahay in la geeyo Gaza.