Israel oo lagu cadaadinayo in ay fasaxdo gargaarka Marinka Gaza

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay si dhakhsa ah u fasaxdo gargaarka bani'aadantinimo ee Marinka Gaza, maadaama ay ka sii darreyso xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta dhulka sida weyn loo go'doomiyay.

Ku dhawaad muddo laba bilood ah ayaan wax gargaar ah la gayn Gaza oo dhan, ka dib markii Israel ay 2-dii bishii March soo rogtay awaamiir ay ku sheegeyso inaysan hay'adaha caalamiga ah kaalmada bani'aadantinimo gelin karin Gaza. Tan iyo markii Israel ay diiday badeecadaha iyo gargaarka Gaza ayaan halkaasi la gayn raashiinka, sahayda dawada, shidaalka iyo biyaha nadiifta ah ee aadka loogu baahan yahay, iyadoona Israel ay sii kordhineyso weeraradeeda aan kala sooca lahayn ay ku hayso dadka Gaza.

Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa Warbaahinta iyo dowladaha reer galbeedka u dusiyay warbixino ay ku ogeysiinayaan in masiibo aan la arkin oo bani'aadantinimo ay ka dhici doonto Gaza, haddii aan la jebin xayiraadda lagu hayo gargaarka.

Hoggaamiyeyaasha ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku cadaadinaya in maamulkiisu aanu isku xirin gargaarka Gaza iyo sii deynta maxaabiista Israeliyiinta.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii sheegay in Raysal Wasaare Netanyahu uu u sheegay inuu ogolaado in cunnada iyo dawooyinka la geeyo Gaza.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Netanyahu uu ka dalbaday in la hagaajiyo xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza, maadaama sida uu yiri ay dadka halkaas ku nool dhibaateysan yihiin.

"Waxaa jirta baahi aad u weyn oo cunto iyo dawo ah, waa inay dadkaas daryeel helaan." Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo Canada ay wehlineyso ayaa Israel ku riixaya inay si dhakhsa ah u furto xuduudaha Gaza, si ay uga soo gudbaan gaadiidka u raran Qaramada Midoobey ee ku xaniban bannaanada Gaza.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa ah kuwa ay taageero ahaan ku tiirsan tahay Israel, waana kuwa suurtageliyay in markii ugu horreysay dowlad ay reer Israel leeyihiin laga aasaaso Bariga Dhexe.

Mareykanka waa dalka ugu weyn ee Israel ku ilaaliya gobolka, waana Mareykanka oo la aaminsan yahay in Israel ay dhankiisa ka liici la'dahay.

Weerarada naxariis darrada ee Israel ku leynayso hooyooyinka, dhallaanka iyo dadka da'da ee Gaza ee barraha bulshada laga daawanayo ayaa dunida ka huriyay naceyb hor leh oo ka dhan ah dadka Yahuudda, wuxuuna duulaankan uu iska horkeenay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka iyo shacabkooda, marka aad eegto in ay soo badanayaan shacabka ka biyo diidan taageerada maaliyadeed iyo midda militari ee ay Israel siinayaan.

Shacabka ayaa sidoo kale ka carreysan, sida xushmad la'aanta ay Israel mararka qaarkood ula dhaqmeyso hoggaamiyeyaashooda, waxayna taasi keentay inay hoos u eegaan dembiyada lagu gaysanayo canshuurta ay bixiyaan iyo inay wax ka bartaan Gaza iyo dadkeeda.

Duulaanka ka hor, Israel ayaa 17 sano go'doomin guud ku haysay Marinka Gaza, waxayna xaaladda go'doominta uga sii dartay, ka gadaal markii bishii May ee sanadkii 2024 ay Gaza ka soo xirtay xuduuddii Masar ee u furneyd. Ciidamada Israel ayaa horaantii bishaasi weeraray deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, waxayna la wareegeen waddada xuduudda ku taala ee Philadelphi Corridor.

Si kastaba ha-ahaatee shaqaalaha gargaarka ayaa hadda qaba rajo ah in maalmaha soo socda la jebin doono is hortaaga Israel ee gargaarka.

Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza oo tiradooda lagu sheego in ka badan laba milyan oo qof ayay noloshooda sanado badan ku tiirsaneyd gargaarka uu caalamka halkaasi geeyo.