Israel oo qaadday xayiraaddii isu socodka ee dadka Gaza

Militariga Israel ayaa maanta ogolaaday in dadka reer Gaza ay isu socon karaan koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, waana 24 saac ka dib xilligii lagu heshiiyay amaba uu heshiisku ahaa in la ogolaado.
Heshiiska Israel & Xamaas ee xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ayaa dhigaya in Israel ay qoysaska barakacayaasha u ogolaato inay dib ugu laabtaan guryahooda waqooyiga Gaza, maalin ka dib marka la is dhaafsado qaybta labaad ee maxaabiista. Labada dhinac ayaa Sabtidii is dhaafsaday qaybtii labaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta. Qorshaha ahaa in Axaddii shalay la qaado xayiraaddii ay Israel ku haysay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee koonfurta iyo waqooyiga Gaza.
War gelinkii dambe ee Sabtidii ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in Tel Aviv aysan ogolaan doonin inay dadkaasi dib ugu laabtaan guryahooda waqooyiga, sababtu tahay Xamaas oo ay ku eedeeyeen inaysan sii deynin gabadha lagu magacaabo Arbel Yehoud.
Dadaalo ay sameeyeen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ka dib ayaa keentay in Israel lagu qanciyo in Isniintan ay ciidamadeeda furaan Isgoyska Netzarim ee kala qaybiya koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Sidoo kale Xamaas ayaa lagu cadaadiyay in gabadhaasi ay sii daayaan. Xamaas ayaa sheegtay in Arbel Yehoud iyo xubno kale oo Israeliyiin ah ay sii deyn doonto, ka hor maalinta Jimcaha ee ina soo aaddan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijisay in Xamaas ay dib xorriyaddooda u siin doonto gabadhaasi iyo laba qof oo kale, ka hor Jimcaha. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Israel ay iyana aqbashay inay furto Netzarim, isla-markaana ay xabsiyadeeda ka sii deyn doonto maxaabiis kale oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa soo afjareysa is mar-waagii labada dhinac ee cirka isku shareeray Axaddii, ka gadaal marki Xamaas ay sheegtay in Israel ay qaadi doonto masuuliyadda dib-u-dhac kasta oo ku yimaada hirgelinta heshiiska iyo wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.
Walaac caalami ah ayaa ka dhashay inay burburto xabad joojinta jilicsan ee Gaza iyo inaanan la fulin wixii lagu heshiiyay.
Iyadoo wejiga koowaad ay xabad joojinta aad mooddo inaanay cago badan ku taagneyn ayaa haddana la isweydiinayaa, sida lagu gaari karo labada weji ee harsan.
Labada dhinac ayaa 15-kii bishan ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah oo looga gol leeyahay in si buuxda loogu soo afjaro dagaalka Gaza.
Guusha geeddi-socodka ayaa u muuqato mid ku xirnaan doonta dhinaca Israel, maadaama loo arko mid aan niyad badan u hayn heshiiskan, waana Tel Aviv oo horey u aqbashay in si buuxda ay dhankeeda u dhaqangelin doonto heshiiskaasi.