Israel oo sheegtay in Saraakiil looga dilay dagaal ka dhacay xuduudda Lubnaan
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in afar ka mid ah saraakiishooda lagu dilay, 14 askarina ay dhaawacmeen, ka dib dagaal ay xalay Xoogaga Xisbullah kula galeen xadka koonfureed ee dalka Lubnaan.
Taliska ayaa goor dhow war uu soo saaray ku sheegay in mid ka mid ah Saraakiisha la dilay uu ahaa hoggaamiye diimeedka ay u yaqaanaan Rabbi.
Rabbigu waa hoggaamiye ruuxi ah ama macalin diimeed ee Diinta Yuhuudda, waxaana loogu maamuusaa aqoonta uu u leeyahay diinta iyo taariikhda Yahuudda.
"Kabtan Rabbi Avraham Yosef Goldberg, Gaashaanle Eliav Amram Abitbol, Kabtan Amit Chayut iyo Saajin Gilad Elmaliach ayaa ku dhintay dagaalka." Ayaa lagu sheegay warka Militariga Israel.
"14 askari ayaa ku dhaawacantay dagaalka." Ayaa lagu yiri warka, iyadoo Warbaahinta Israel ay warineyso in shan ka mid ah askarta dhaawacantay ay xaaladdoodu halis tahay.
Militariga ayaa warkooda ku sheegay in dhammaantood ay ka tirsanaayeen Guutada Alon ee Qaybta 8207 ee Ciidanka Difaaca Israel.
Waxay sheegeen in hoggaamiye diimeedka lagu magacaabo Goldberg uu ahaa Rabbaaniga Guutada Alon. Sidoo kale waxay sheegeen in Kabtan Amit Chayut uu isna ahaa taliye kooxeed, halka Gaashaanle Eliav Amram Abitbol ay ku sheegeen taliye kuxigeen.
Dhanka kale Ururka Xisbullah ayaa maanta diyaarad aan duuliye lahayn ku weeraray warshad qalabka ciidamada sameysa oo ku taala Magaalada Karmiel ee waqooyiga Israel.
TV-ga Channel 12 ee Israel ayaa ku waramaya in weerarka diyaaradeed ee lagu qaaday mid ka mid ah warshadaha Bar-Lev ay ku dhaawacmeen laba qof.
Channel 12 ayaa sheegay in warshaddu ay ahayd mid soo saarta qaybaha duulista.
Militariga Israel ayaa xaqiijiyay weerarka, waxayna sheegeen in diyaaraddu ay ka soo duushay dhanka koonfurta Lubnaan, isla-markaana ay baaritaan wadaan.
Dagaalo culus ayaa Ciidamada Israel iyo Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.