Israel oo sii waddo xadgudubyadeeda ka dhanka ah xabad joojinta Gaza

Ciidamada Israel ayaa maanta saddex qof oo shacab ah ku dilay waqooyiga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, tani oo qayb ka ah dhacdooyinka ay sida joogtada ah ugu xadgudbayaan xabad joojintii la dhaqangeliyay 10-kii bishii October.

Israel iyo Xamaas ayaa 9-kii October saxiixay heshiiska xabad joojinta Gaza, kaas oo ku saabsan wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si maalinle ah u gaysanayaan falal ay ku carqaladeynayaan heshiiskii xabad joojinta ee labada dhinac.

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo markii heshiiska la isku afgartay ayaa gaartay 236 qof.

Dadka reer Gaza ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay sii wadaan burburinta guryaha ay ka sameynayaan qaybo ka mid ah Rafah, Khan Yunis iyo Magaalada Gaza oo ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Dhanka kale xaalad bani'aadantinimo oo aad u liidato ayaa la sheegay inay weli ka jirto qaybaha Gaza, maadaama ay Israel weli xanibeyso gargaarkii lagu heshiiyay in la geeyo Gaza.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa ka cabanaya raashiin la'aan, iyadoo ay xabad joojintu u muuqato mid shaqeynaysa, walow ay tahay mid jilicsan.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in kolonyada gargaarka ay ku xayiran yihiin xuduudaha Gaza, sababtoo ah Israel oo hortaagan in ay xagga Gaza u soo dhaqaaqaan.

Israel ayaa goor sii horreysay sheegtay in Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza uu sii xirnaan doono, illaa iyo inta ay Xamaas ka soo dhameystireyso lafaha maxaabiistii dhimatay. Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Xamaas, haddii aysan soo wareejin lafaha harsan.

Isgoyska Rafah oo ku yaala xadka Marinka Gaza iyo Masar ayaa ah halka uu ka soo gudbo gargaarka ugu badan ee la keeno Gaza.

Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada ayaa codsanaya in Israel ay furto waddooyin badan, si gargaar badan uu u galo Gaza, taasoo Israel ay dhegaha ka fureysaneyso.