Israel oo xabsiga ka sii deysay 90 qof oo Falastiiniyiin ah
Israel ayaa goor dambe oo xalay ahayd xabsiga ka sii deysay 90 qof oo Falastiiniyiin ah, oo lagu bedeshay saddexda qof ee ay Xamaas Sabtidii ku wareejisay Laanqeyrta Cas.
Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa soo daadgureeyay Falastiiniyiinta, inkastoo uu jiray saacado badan oo dib u dhac uu ku yimid waqtigii la qorsheeyay in dadkaasi lagu sii daayo.
Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa si dhow u hubinayay aqoonsiga maxaabiista Falastiiniyiinta ee magacyadooda lala wadaagay, isla-markaana ay Xamaas dalbatay in lagu soo sii daayo maalinta koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel, waana sababta ka dambeysay dib u dhaca ku yimid waqtigii lagu waday in dadkaasi lagu sii daayo.
Wakiilada ICRC ayaa la sheegay in sidoo kale ay baaritaan caafimaad marsiiyeen dadkaasi, ka hor inta aysan basaskooda ku soo daabulin.
Maamulka Israel ayaa sheegay in ay Laanqeyrta Cas ku wareejiyeen 90 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, taasoo qayb ka ah heshiiska ay maxaabiista isku dhaafsanayaan Ururka Xamaas.
78 Falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto ayaa la geeyay kontoroolka Beitunia ee u dhow Xabsiga Ofer.
12-ka kale oo ka soo jeeda Bariga Qudus ayaa la geeyay magaaladaasi, ka dib markii muddo kooban lagu hayay xarunta dadka lagu hayo ee Russian Compound ee bartamaha Jerusalem, halkaas oo Israel ay u adeegsato, sidii xabsi oo kale.
Dadka la sii daayay ayaa isugu jira 62 haween ah, kuwaas oo mid ka mid ah ay tahay gabar da'yar ah iyo 28 nin, oo ay ku jiraan sideed carruur ah.
Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa bogaadiyay xabad joojinta Axaddii shalay ka bilaabatay Marinka Gaza iyo sii deynta maxaabiista.
Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay in ay taageerto hirgelinta heshiiska, isla-markaana ay sare u qaaddo bixinta gargaarka bani'aadantinimo ee joogtada ah ee shacabka Falastiin.
"Waa lama huraan in xabad joojintan ay meesha ka saarto caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee hortaagan gaarsiinta gargaarka." Ayuu yiri Guterres.
Sidoo kale Madaxa Midowga Yurub, Antonio Costa ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta ka dhaqangashay Marinka Gaza, kordhinta gargaarka bani'aadantinimo iyo sii deynta maxaabiista.
“Heshiisku waxa uu gobolka u keenayaa rajo aad loogu baahan yahay, dhammaan dhinacyaduna waa inay u hoggaansamaan. Nabaddu waa waddada keliya ee hore loogu socon karo." Ayuu yiri Antonio Costa.
Sii deynta maxaabiista labada dhinac ayaa u muuqato mid ku bilaabatay jewi wanaagsan.