Kolonyada gargaarka oo si caadi ah u gelaya Marinka Gaza
Baabuurta gargaarka ayaa bilaabay in ay si caadi ah u galaan Marinka Gaza, sida ay xaqiijisay Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP.
Heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ayaa ogolanaya in lix boqol oo baabuur gargaar ah ay maalin kasta taggaan Gaza, iyada oo aanu jirin wax carqaladeyn ah iyo is hortaag lagu sameynayo kolonyada gargaarka.
Gawaaridii ugu horreysay oo gargaar sida ayaa maanta Marinka Gaza ka soo galay xuduudaha koonfurta iyo waqooyiga ee Gaza la wadaagto Israel.
Kolonyo kale oo gargaar ah ayaa sida la sheegay ka soo gudbay Isgoyska Rafah ee ku yaala xadka uu Marinka Gaza la leeyahay Masar.
WFP waxay sheegtay in 150 baabuur ay gaarsiin doonto gargaarka ay maalin walba gayneyso dhulka muddada dheer go'doonsanaa.
"Waxaan ka shaqeynaynaa inaan gaarsiino 150 baabuur maalin kasta, si aan u gaarno qoysaska sida degdegga ah ugu baahan, annaga oo adeegsanayna dhammaan marinada xudduudaha ee Masar, Jordan iyo Israel." Ayay WFP ku sheegtay qoraal ay soo saartay.
Qulqulka gargaarka ee Gaza ayaa maalmaha soo socda la gaarsiin doonnaa heerkii ugu sarreyay, si kaalmada bani'aadantinimo looga helo qaybaha Gaza oo dhan.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in afar kun oo baabuur gargaar ah ay hadda diyaar u yihiin inay galaan Marinka Gaza.
Hay'adda UNRWA waxay Axaddan sheegtay in kala bar baabuurtan ay sidaan cunto iyo bur.
Weerarada Israel ayaa Gaza ka abuuray xaalad bani'aadantinimo oo aad u daran, iyadoona Qaramada Midoobey ay qaylo dhaan ka soo saartay in dagaalka Israel uu ku wajahan yahay shacabka aan hubeysneyn.
Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa isku diyaarinaya in ay si degdeg ah wax uga qabtaan masiibada bani'aadantinimo ee Gaza, iyadoo laga faa'iideysanayo heshiiska xabad joojinta.
Raashiinka, shidaalka iyo sahayda dawada ayaa noqon doona, waxa ugu badan ee ay hay'adaha caalamiga ah gaarsiinayaan dadka reer Gaza iyo goobaha caafimaadka.
Waxa kale ee xigi doono ee la gaynayo Gaza ayaa loo maleynaya agabyada kale ee aasaasiga ah, oo ay ku jiraan sida waxa lagu seexdo, bustayaasha iyo alaabaha kale oo aan looga maarmi karin xilliga qaboobaha.
Qabowga sii kordhaya ee ka jira Gaza ayaa sii xumeeyay xaaladdii liidatay ee ay dadku ku noolaayeen, iyadoo aysan dadku haysan wax kasta oo agab ah oo ku filan.
Qaramada Midoobey ayaa bilowgii bishan digniin ka soo saartay in dadku aysan haysan dharka dhaxanta oo jaakadaha ay ku jiraan, loona baahan yahay in Israel ay qaaddo go’doominteeda guud ee Gaza amaba ay dabciso.
Qalabka dhismaha guryaha iyo waddooyinka ayaa qayb ka ah baahiyaha ugu waaweyn ee haatan ka jira Marinka Gaza, haddii ay dadku doonayaan in guryahooda ay dib u dhistaan, si ay hoy la'aanta uga baxaan.
Waddooyinka Gaza ayaa ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan ee ay Ciidamada Israel burburiyeen.