Kooxo hubeysan oo nin dhallinyaro ahaa ku dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Kooxahan oo ka tirsan kooxaha isbaaraleyda ayaa galabta nin dhallinyaro ahaa ku dilay nawaaxiga deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa dhallinyarada mootooyinka ku shaqeysta, isla-markaana adeegsada waddada laamiga ee isku xirto Wanlaweyn, Yaaq-bariweyne iyo Leego.

Ciidanka Guutada 7aad ee Militariga Somaliya iyo Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa toddobaadkii saddexaad waxay si maalinle ah ay hawlgal uga wadaan waddadan, iyagoo la dagaalamaya maleeshiyaadka beelaha ee isbaarooyinka soo dhigta waddadaasi, sidoo kalena ku howlan, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ragga dilka ku xukuman ee la baadigoobayo.

Ciidamada ayaa maalintii saacado xadidan ka hawlgala waddadan, iyagoona hawlgalkooda bilaaba barqadii, soona geba-gabeeya galbihii.

Kooxaha isbaaraleyda oo ka faa'iideysta muddada uu hawlgalku hakadka ku jiro ayaa dib isbaarooyinkooda ugu soo celiya waddadaasi, iyagoona lacago sharci darro ah kaga qaada gaadiidka dadweynaha.

Dilka loo gaystay ninkan dhallinyarada ah ayaa imanaya, xilli maanta ay xaalad kacsanaan ah ka jirtay Yaaq-bariweyne, ka dib markii ciidamadu ay weerareen meel ku dhow deegaankaasi, oo ay ka war heleen in ay ku sugan yihiin xubno ka mid ah lixda nin ee dilka ku xukuman, laakiin baxsadka uga maqan gacanta sharciga.

Dilkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ay gaystaan kooxaha jidka u taagan gaadiidleyda, tan iyo markii Maxkamadda Militariga ay 22-kii bishii November ay dilka toogashada ah ku xukuntay xubnaha ka midka ah shakhsiyaadkii maamulayay isbaaradii tiilay Yaaq-bariweyne ee la qaaday daba-yaaqadii bishaasi.