Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo qaabilay wafdiga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdigii Garaadada Gobolka Sool, ee uu hoggaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ee shalay galab soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood, isagoona ka dhageystay aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaalamay magaalada, kaas oo salku ku hayay in xal aan xabad ahayn lagu wajaho xaaaladda, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya." Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka, kuwaas oo ka dhashay dagaalka."

Wafdiga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ee soo gaaray Caasimadda Muqdisho ayaa ka jawaabayay martiqaadkii Madaxweynaha, si wada hadal nabadeed looga dhex bilaabo Somaliland iyo dadka reer Sool, oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ku dagaalamayay Magaalada Laascaanood.