Madaxweynaha Mareykanka oo la hadlay Madaxda Jordan iyo Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa xalay siyaabooyin kala duwan khadka teleefanka ugu la hadlay Boqorka Jordan, Boqor Cabdallaha Labaad iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Boqorka Jordan oo khadka teleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka dalbaday in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza, isagoo walaac ka muujiyay duqaymaha baahsan ee Israel ku leynayso dadka rayidka ah.

"Boqorka Jordan ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, mar uu teleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Boqortooyada Jordan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Boqor Cabdalla kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee hawlgalada Israel ka waddo Gaza.

Dhanka kale Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu khadka teleefanka kula xiriiray Raysal Wasaaraha Israel, isla-markaana uu kala hadlay, sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Aqalka Cad ayaa qoraal ku sheegay in Madaxweynuhu uu Raysal Wasaare Netanyahu u sheegay in si degdeg ahi loogu baahan yahay gargaar mug leh oo la gaarsiiyo dadka reer Gaza.

Sidoo kale Madaxweyne Biden ayaa ka dalbaday Netanyahu in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka, ayna tahay in Israel ay kala saarto dadka rayidka iyo Xoogaga Xamaas.

Aqalka Cad ayaa dhanka kale sheegay in Biden uu Netanyahu la wadaagay walaaciisa ku aaddan rabshadaha xagjirka ah ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.

Farriinta uu Biden u gudbiyay Netanyahu ayaa imaanaysa, saacado uun ka dib, markii Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths uu sheegay in weerarada joogtada ah ee Israel ay carqaladeeyeen in gargaar dhameystiran la gaarsiiyo dhulka go'doonsan.