Madaxweynaha Masar oo ku baaqay in Gaza la dhiso, iyadoo aan Falastiiniyiinta laga rarin

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi ayaa soo jeediyay in Gaza dib loo dhiso, iyadoo aan laga rarin Falastiiniyiinta ku nool.

Madaxweynaha Masar ayaa Talaadadan sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bilaabo dib u dhiska, iyada oo aan la barakacineyn Falastiiniyiinta, si loo hubiyo ilaalinta xuquuqdooda in ay ku noolaadaan dhulkooda.

Barakacinta khasabka ah ee in dad xoog looga qaato dhulkooda ayaa ah dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Wicitaan teleefan oo Madaxweynaha Masar uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen ayuu Madaxweynaha ka sheegay in ay habboon tahay in dadka reer Gaza loo dayo in dhulkooda ay ku noolaadaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in dhismaha Dowladda Falastiin uu yahay xalka keliya ee nabad waarta loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe.

Hadalka Sisi ayaa imanaya, ka gadaal markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku celiyay qorshihiisa ku aaddan in dadka reer Gaza loo raro dalalka Masar iyo Jordan, haddii ay diidaana uu ka jari doono gargaarka uu Mareykanku siiyo labadaasi dal.

Dowladaha Masar iyo Jordan ayaa si adag uga horyimid in ay dib u dejin u sameeyaan qaxootiga reer Falastiin.

Madaxweynaha Mareykaka ayaa maalmahaanba si is daba joog ah u sheegayay in dalkiisu uu qaadanayo Gaza, dib u dhis ballaarana uu ku samayn doono.

Trump ayaa sheegay in ay doonayaan in Gaza ay ka dhigaan meel dhismo qurxoon, isla-markaana horumarsan mustaqbalka, lagana yaabo in ay wax ka siiyaan dalalka kale ee gobolka, si ay dib u dhiskeeda uga qayb qaataan.

Trump ayaa xusay in ay jiraan dad badan oo reer Gaza ah oo doonaya in ay ka baxaan Marinka Gaza, haddii ay helaan meel ay si nabad ah ugu noolaan karaan.

Waxa kaloo uu sheegay in ay jiraan dalal kale oo ay suurtagal tahay in ay qaabilaan Falastiiniyiinta.

"Waxaan daryeeli doonnaa Falastiiniyiinta, waxaana hubin doonnaa in aan la dilin." Ayuu yiri Trump.

Mar la weydiiyay in Falastiiniyiintu ay dib ugu laaban karaan Gaza, marka dib loo dhiso ayaa wuxuu yiri "Maya."