Madaxweynaha Ukraine oo codsi u gudbiyay Madaxda Jaamacadda Carabta
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy oo Jimcihii gaaray Magaalada Jeddah ee uu shirka uga furmay Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa ka codsaday in ay taageeraan dadaalada Kyiv ee lagu soo afjarayo duulaanka Ruushka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkiisu uu dagaal adag kula jiro waxa uu ugu yeeray gumeystayaal, ayna tahay in Madaxda Carbeed ay ku garab siiyaan, sidii uu heeryadaasi isaga dulqaadi lahaa.
Madaxweynaha oo khubad ka jeedinayay shirka ayaa tilmaamay in ay jiraan dad ay farriimihiisu gaaraan, balse indhaha ka daboosha sida uu yiri gardarada Ruushka.
Hadalkiisan ayaa imaanaya, xilli Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad uu 12 sano ka dib ka qaybgelayo Meertada 32aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta, waana Madaxweyne Assad oo horaan taageeray duulaanka Ruushka ee dalkaasi Ukraine.
Madaxweyne Zelenskyy oo si maldahan u weerarayay Madaxweyne Assad ayaa yiri "Nasiib darro waxaa jira dadka qaar oo halkan idiin la jooga oo indhaha ka qarsanaya duulaanka sharci darrada ah."
Waxa kaloo uu yiri "Waxaan halkan u joogaa in qof walba uu si daacad ah u eego, si kasta oo ay Ruushku isku dayaan in ay saameyn ku yeeshaan, haddana waa in ay jirto madaxbannaani."
Madaxweyne Assad ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee Carbeed ee taageeray weerarka uu sanadkii hore Ruushku ku qaaday dalkaasi.
Ugu dambayn Madaxweyne Zelenskyy oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa u sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay in wada shaqeynta labada dal ay gaarsiiyaan heer cusub, maadaama ay Riyadh ciyaareyso door siyaasadeed oo muhiim ah.