Madaxweyne Trump oo sameeyay magacaabiddii ugu horreysay
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa Susie Wiles u magacaabay inay noqoto Madaxa Shaqaalaha ee Aqalka Cad.
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd dadkii Donald Trump kala shaqeynayay ololihiisii dib u doorashada.
Warbaahinta ayaa Susie Wiles ku sheegtay qof saamayn leh, isla-markaana lagu tiriyo inay gacan ka gaysatay, sidii uu Donald Trump dib ugu soo laaban lahaa Aqalka Cad.
Waa magacaabiddii ugu horreysay xubno badan oo uu soo magacaabi doono Madaxweyne Trump iyo haweeneydii ugu horreysay ee uu xil u magacaabo.
Dhanka kale Trump ayaa xoojiyay ballanqaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa inuu wax ka qaban doono qulqulka dadka soo galootiga ah iyo musaafurinta kuwa sharci darrada ku jooga dalkaasi.
Trump oo wareysigiisii ugu horreyay siiyay Warbaahinta NBC News ayaa sheegay in dib u doorashadiisa ay ka dambeysay siyaasaddiisa socdaalka.
"Sida iska cad waa inaan ka dhignaa xuduudda mid adag oo awood leh, waana inaan samaynaa." Ayuu yiri Trumo oo intaasi ku daray in dalka uu gaarsiin doono meel ay adag tahay in la soo galo.
Trump ayaa sheegay in doorashadiisa uu u arko mid loogu igmaday in dalka uu gaarsiiyo caqli-galnimo.
Trump ayaa xusay in marka uu bisha January la wareego xafiiska ay tahay in xuduudda uu ka dhigo meel aan laga soo gudbi karin.
"Waxaan arkaa dib-u-habayntu inay dhici karto, sababtoo ah Dimoqraadiyiintu maaha kuwo la jaan-qaadi kara fekerka dalka." Ayuu yiri Trump.
Trump ayaa sheegaya in waxyaabihii uu ballanqaaday ay soo jiidatay codbixiyeyaal badan, waana sababta sida uu sheegay ay dadku u doorteen.
Warka Trump ayaa walaaca ku kordhiyay tobananaan milyan oo qof oo si sharci darro ah ku soo galay dalkaasi, kuwaa oo naawilayay inay heli doonaan sharciga dalkaasi.