Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirweynaha Horumarinta Waxbarashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Waxbarashada Dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya saamileyda waxbarashada, iyadoona uu hadafku yahay in lagu mideeyo, laguna tayeeyo nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go'an tahay dib u soo nooleynta hannaanka waxbarashada.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta manhaj mid ah oo qaran, oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macalimiin soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa in aan dhaqangelino manhaj mid ah oo qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh, oo  ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo macallimiin lagu xulay tartan daahfuran, innaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo macalimiin ah." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan, taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbajoogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgelinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya, si loo xaqiijiyo deganaansho siyaasadeed, horumar dhaqan dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalka.

Shirka ayaa socon doono 13-ka illaa 17-ka bishan, waana shirkii ugu heerka sarreyay ee noociisa ah ee hay'adaha waxbarashada dalka kaga qaybgalaan Caasimadda Muqdisho.