Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Brussels kaga qaybgalay Shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkaasi ayaa ka hadlay hindisaha dowladda ee ku aaddan deeqaha iyo gargaarka uu Midowga Yurub siiyo Somaliya, isagoona dalbaday in kaalmadaasi loo bedelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay bartamihii sanadkii hore ee 2022 ay ciidamadu ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al Shabaab ka saaraan in ka badan 80 degmo.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, ciidanka amniga Somaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah ka dib, anagnoo dib-u-habayn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurta hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub kala hadlaya maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, u gudubka tamarta cagaaran iyo tayaynta waxbarashada dalka.

Madaxweynaha ayaa bartiisa X (Twitter) ku sheegay in uu ku faraxsan yahay wada shaqaynta dowladdiisa iyo Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa bishii September Safiir cusub u soo magacaabay Somaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 18-kii bishaasi waraaqaha aqoonsiga ee Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub Midowga Yurub ee dalka, Karin Johansson.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa 22-kii bishii September sheegay in Midowga Yurub uu dalka ku maalgeliyay, tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 bilyan oo euro.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale daba-yaaqadii bishii May ansixiyay dhaqaale dhan labaatan dhibic shan milyan oo euro (€20.5M), oo qayb ka ah hannaanka dowlad dhiska Somaliya iyo taageerada barnaamijka dayn-cafinta ee dalka.

Midowga Yurub ayaa haatan Somaliya ka taageera dib-u-dhiska & tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, amniga, kabka maaliyadeed ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka iyo shuruudaha barnaamijka dayn-cafinta.