Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dalka Turkiga ee dib loo doortay, Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee maanta ka dhacday dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliya ayaa dhiggiisa Turkiga u rajeeyay in uu ka miro-dhaliyo xaqiijinta yoolasha horumarineed iyo hiigsiga shacabka Turkiga.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, guusha taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga. Waxaan u rajeynayaa shacabka iyo dowladdaa aan walaalaha nahay ee Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda iyo horumarka ballaaran ee xowliga ah ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay." Ayuu yiri Madaxweynuhu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in dib u doorashada Erdogan ay sii xoojin doonto xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga laba geesoodka ah, isagoona xusay in Somaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qoto dheer.

Dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ayaa ka dhigan in uu xilka sii hayn doono 5-ta sano ee soo socota.

Erdogan ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Turkiga casriga ah.

Villa Somalia ayaa Turkiga u aragta saaxiibka ugu weyn ee uu maanta dalku leeyahay, iyadoona Ankara ay Muqdisho ka taageerto arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaraddiisa ugu weyn ee dunida iyo weliba saldhig militari (Camp TURKSOM), kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee uu maanta ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.