Mareykanka iyo Faransiiska oo horkacaya dadaalada xabad joojinta ee Israel iyo Xisbullah

Quwadaha reer galbeedka ayaa ku baaqay in si degdeg xiisadda loo dejiyo, iyagoona taageeray xabad joojinta 21-ka maalmood ee Mareykanka iyo Faransiiska ay soo jeediyeen.

Dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka ayaa soo jeediyay qorshe muddo 21-ka cisho ah si ku-meel-gaar ahi loogu joojinayo colaadda Xisbullah iyo Israel, si Gobolka Bariga Dhexe looga weeciyo khatarta soo wajahday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in labada quwadood ee reer galbeedka ay doonayaan in muddada xabad joojinta ay wada hadal isugu yimaadaan dhinacyada, si heshiis looga gaaro xiisadda ka jirta xuduudda labada dal.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa sheegay in rajadiisu ay tahay in laga baaqsado dagaal saf ballaaran.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay adkeynayaan in Israel iyo Lubnaan ay isu yimaadaan, si khilaafkooda ay ugu dhammeeyaan miiska wada hadalka, heshiisna loo gaaro.

"Ma ahan in Lubnaan lagu dagaalamo, Lubnaan dagaal ma xamili karto. Tani waa sababta aan ugu baaqayno Israel inay joojiso dagaalka ay ku hayso Lubnaan, sidoo kalena Xisbullah ay joojiso gantaalaha ay ku tuureyso Israel." Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Macron ayaa yiri "Waxaan kaloo aan ku boorinaynaa cid kasta oo hub siisa dhinacyada dagaalamaya in iyaguna ay joojiyaan."

Dalalka Midowga Yurub, Dowladaha Carabta, sida Sacuudiga, Emirate-ka Carabta & Qatar iyo Australia, Canada iyo Japan ayaa taageeray soo jeedinta ah in hoos loo dhigo xiisadda gobolka iyo tan xuduudda labada dal, si fursad loo siiyo diblomaasiyadda.

Dalalkan ayaa sheegay in heshiiska nabadda uu sahlayo in shacabka labada dal ee ka qaxay deegaanada xuduudda ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa xalay ku celiyay inay doonayaan in colaadda lagu xaliyo hab aan dagaal ahayn, balse haddii taasi la wayo ay Israel sii wadi doonto weerarada ay ku hayso Xisbullah.

Dadaalada wada hadalada oo hadda uun bilow ah ayaa si dardar leh ku socda, sida uu sheegay Jean-Noël Barrot, Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska.

Wasiir Barrot ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalada caalamiga ah ee loogu kala dab qaadayo dhinacyada.

Tallaabadan ayaa la qaaday, ka dib saddex maalmood oo duqaymo socday ay Israel ku dishay 641 qof oo dad rayid ah, in ka badan laba kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.